markii aan diyaarinnay waxii aan awoodnay ee ka koobnaa qalab xafiiseed iyo nalal ayaa waxaan u anba baxnay dhankaa iyo dagmada ceel Cali anagoo ka kooban qaar kamid ah xubnaha ururka, maadaama aanan gaari khaas ah kireeysan Karin waxaan dusha ka raacnay gaari weeyn oo kuwa xamuulka qaada ah.
ceelka waxaan gaarnay xilli maqrib ah intii aanan gudaha dagmada galin waxaan la xirirnay laamaha ammaanka oo aan usheegnay in aan soo soconna iyo ujeedadeenna weeyna naga aqbaleen, markii aan gaarnayna waxaan Ku dagnay hotel harqaboobe oo ah hotelka kaliya ee aay ceel Cali leedahay, waxaa casha heersara ah noo sii diyaariyey qaar kamid ah dhallinyarada ceel cali, habeenki markii aan barinay ayaa subaxdi waxaan la kullannay bulshada qeeybo kamid ah iyo maamulka iskuulka ceel Cali , waxaanna kawada hadalnay xilliga munaasabka ah ee aan kuwareejineeyno waxa aan usidno, waxaanna isku afgarrannay in maalinka xigto xaflad la qabto bulshadana liskugu yeero, dadka hortoodana lagu wareejiyo wax walba, sidoo kale maamulka dagmada ayaan isla fahannay arrintaas, waxaan casumaad ufidinnay dhammaan bulshada qeeybaheeda, shacab iyo masuuliyiin seey uleeyihiin si aan ujeedadeenna dadka ugu dhaadhicinno, galabtii aay xafladda dhaci laheed subaxdeedi ayaa ilaah amarkiis waxaa dhacay qarax lala beegsaday booyad biyaha udhaamisa ciidanka itoobiya oo markaa si lixaad leh ugu sugnaa gudaha iyo hareeraha dagmada, qaraxa kadib wax walba waa isbadaleen waxaana dhacday in anaggii hormarka dagmada safar usoo galnay nagala shakiyo oo waliba xarig noogala hanjabo.
lasoco qeeybta afraad oo aan kufaahfaahin doono, waxii nakala qabsaday annaga iyo maamulka
qeybtii 4aad ee dadaalkii daljir
Haddii aad inoo haaysa su,aalo ama dhirri galin amaba dhaliil waxaad iigu soo diri kartaa cinwaanka gmailka ee ah ib.nuor@gmail.com ama barteeyda facebook ee www.facebook.com/ibraahim.aar.
W a b i l l a a h i t o w f i i q.
__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com