Daawo Sawirada Guri cusub oo naqshadiisa aan horey loo arag oo ku shaqeeya Cad ceeda oo hadba u jahaysanaya dhanka ay kajirto
Sunday, December 16, 2012
Jariidada lagu magcaaabo Daily Mail ee ka oo baxda dalka Britain ayaa daabacday warbixin xiiso badan oo ay ku so bandhigtay Guri nuuciisa aan horey loo arag hadba u jaheeysana halka ay caddeeda ka jirto
Guriga waxa uu ka kooban yahay Sideeed Qeybood oo lajaanqaadaya hadba markaasi sida jawigu uu yahay .
Xiliga jiilaalka qolka jiifka waxa uu u jeesanayaa Dhanka Bari oo ah halka qorxda ay ka soo bado ,Qofka qolkaasi adeegsanaya waxa uu kadaba wareeganayaa ileeyska qoraxda oo hadba halka ay joogto ayuu la joogayaa.
Injineerka hindisay Gurigaan ayaa sheegaya in qalabka uu ka kooban yahay gurigaan uu lajaanqaadayo hadba duruufta markaasi ku xeeran sida fasalda ama xiliyada sanadka ee ka kooban qabowga iyo kuleelka ,
Injineerkan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in duruufta gurigaan ay ku xirantahay Caddeeda maalinlaha ah taa oo saameeysa jahada guriga oo marwalba guriga waxa uu u jeheeysanayaa halka ay cad ceeda joogto .
Waa gurigii ugu horeeyay oo nuucaan ah oo lasoo bandhigo iyadoona Muuqalada gurigan la shaqeenaya Cimilada lagu baahiyay Baraha Internetka.
__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com
Tags:
civil engineering