Haddii sida hadda ay wax u socdaan ay usoo geba geboobaan, ciidamada
Mareykanka waxa ay qorsheeyeen inaysan jirin doonin cid dagaal kaga soo
horjeesata oo kaga adkaata.
Milatariga Maryekanka, waxa ay qarash badan ku bixiyeen taknoolijiyad
cusub oo ka dhigi doonta ciidamda kuwa aysan arki karin cadowga
dagaalka kaga soo horjeeda.
Shirkado dhinaca taknoolajiyadda ka shaqeeya, ayaa barnaamijkan ku
qaatay lacag badan oo soo saaray dhar ciidanka Mareykanka marka ay
xirtaan ka dhigaya kuwa aysan indhu qaban.
Waxaa ku xiran qalab kaamiro ah oo dhinacyadooda u kala fidiniya
iftiin u eg goobta ay markaas joogaan, kaasi oo indhaha kuwa kasoo
horjeeda tusaya kaliya goob maran oo cidna aysan joogin.
Weriyaha CNN-ka uu qaabilsan waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee The
Pentagon Chris Lawrence ayaa warbixin ka diyaariyaya arrintan.