kadib dhameestirkii dhismaha ururka waxaan go,aansanay in ururka loo bandhigo waxgaradka aqoonyahaniinta iyo ganacsatada beesha bal si aay waxii tala iyo tusaala ah noo siiyaaan, waxaan qabannay xaflad ballaaran oo aan iskugu keenay guud ahaan qeeybaha kala duwan ee beesha.
xafladdaasna waxeey waxgaradka Ku ansaxiyeen ururka waxeeyna ganacsatada ugu baaqeen in aay taageeraan ururka dhaqaala ahaan, iyadoo ganacsataduna taas aay aqbashay si aan leexleexad laheen, odiyaasha ayaa noo soo jeediyey waano badan, halki ayeyna xafladda kusoo dhamaatay iyadoo la wada riyaaqsanyahay.
dhismaha ururka waxaa uu kusoo aaday xilli munaasab ah maxaa yeelay deegaanada habargaljecel waxeey kasoo kabanayeen dhibaatadii aay ugeeysteen qolyahii sanadaha badan maamulayey.
waxeeyna ubaahnaayeen kaalmo dhan walba leh.
intaa kadib ururka wuxu goostay in uu billaabo howshii loo igmaday, waxaana lagu billaabay bal Marka hore in la hormariyo wax ka qabashada qeeybta waxbarashada.
waxaan ceel cali udirnay guddi indha indheeyn ah oo bal soo eega qaabka aay usocoto waxbarashadii ceel cali, maalmo kadib guddigi ayaa soo laabtay ayagoo wada warbixin dhameestiran.
waxyaalaha uu gudiga soo sheegay dhanka waxbarashada waxaa kamid ahaa in aay iskuulka haaysato, yaraan dhanka agabka waxbarashada ah, sida iyadoo aanu xafiiska iskuulka laheen printerka wax lagu daabaco xilliyada imtixaanaadka, iyadoo xilliga imtixaanka loo soo dhiibi jiray baladweyne isla markaana baladweyne lagu daabaci jiray kadibna la soo celin jiray, taas oo aay kadhalan karto in imtixaanku uu baxo ama in uu dib udhac Ku yimaada.
markaa ururku wuxu go,aansaday in uu iskuulka ka taageero dhanka qalabka xafiiska, waxaanna gadnay printer iyo qaddiisa iyo warqadaha daabacaadda iyo qalab xafiiseed kaloo aan badneen anagoo markaa isticmaaleeynay qarash aan jeebkaayna ka aruurinay, sidoo kale waxaan gadnay 60 laambadood oo aan ugu tala galnay in aan Ku ifinno jidadka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada ceel cali.
intaas markaan diyaarinnay ayaa waxaan u anba baxnay safar a an Ku tageeyno ceel Cali anagoo wadna waxii hadiyad ah oo aan ugu tala galnay ceel Cali .
la soco qeybta 3 aad oo ka hadleysa waxii aan kala kulannay ceel Cali iyo sidii aan uwareejinnay qalabkii aan wadnay
Lasoco qeeybtii 3 aad ee dadaalkii daljir
Mahadsanidiin markale waa walaalkiin ibraahim aar.
Haddii aad inoo haaysa su,aalo ama dhirri galin amaba dhaliil waxaad iigu soo diri kartaa cinwaanka gmailka ee ah ib.nuor@gmail.com ama barteeyda facebook ee www.facebook.com/ibraahim.aar.
W a b i l l a a h i t o w f i i q.
__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com