markii aan dawadaas helnay waxaan diyaarinnay sidii ceel Cali looga qaadi lahaa iyadoo jidkuna halis yahay, oo qolyaha dhaxda Ku jira hadeey Ku qabtaan aay Ku dhahi karaan, ciidanka dowladda ayaad dawo usidaa, halistaas iyadoo aay jirta ayaan ubareernay dawadi ayaanna qaadnay, markii aan ceel Cali gaarnay waxaa jiray caruur badan oo uu soo ritay shuban biyood, dawada ma badneen lkn waxey kusoo aaday xilli loo baahnaa, sidoo kale waxaa isbitaalka yaallay laba wiil oo kusoo dhaawacmay weerar gaadma ahaa oo ka dhacay ceel dheer, wiilasha iyagana dawo looma haaynin, habeenkii aan tagnay subaxdeedi, waxaan la kullanay, waaxda arrimaha bulshada uqaabilsan maamulka ceel Cali iyo madaxa iyo dhaqaatiirta ka shaqeeysa isbitaalka iyo waliba odiyaasha dhaqanka, waxaanna usheegnay in aan waxii tabarteena ah keenay waxii kaloo la helana aan keeni doonno.
Xilli hore waxaa jirtay eed kusaabsan in la musuqmaasuqa dawada looga tala galay hospitalka, iyadoo dad gaar ah faraha lagu fiiqi jiray, kuwaasoo lagu eedeeyn jiray in aay gataan dawadii dadka loogu tala galay, aanay taas udhacin ayaa waxaan marqaati galinnay odiyaasha, waxaanna sameeynay diiwaan lagu qoro dadka la daweeyo, iyo inta dawa ah oo aay qaateen, si loola socda Halka aay Ku baxday dawada, odiyaasha iyo maamulka halki ayaan isku fahannay waxeeyna noosoo jeediyen bogaadin weeyn, waxeeyna dhaheen, ceel Cali hortiin cirbad dulkeed lama keenin, sidoo kale intii lagu guda jiray kulankaas waxaa hadlay odiyaal badan oo uu kamidyahay xassan barra aantaay, waxeeyna yiraahdeen dhallinyarooy waxqabadkiinna waa aragnay, waana idin duceeyneeynaa ee halmid naga caawiya, waxaa dhibaata nagu hayo, dhuxul, dhirti waaa dhamaatay, xoolahina geed aay harsadaan waa la la,yahay, dirisamaha iska dhaafe rag sugow ah oo koonfur kayimid ayaa harartii warad dab kuwada qabtay oo dhuxul ka dhigay, dhankii kale, raxaweeyn waxeey soo dhaaftay burdho oo waxeey dhuxul ka gooysaa, lixda laami looxis nawaaxigeeda, sidoo kale caag xoog agagaarkiisa geed weeyn waa kasuulay, dal gacan waa ka baxay dhallinyarooy tala keena, sheekadi dhuxusha markaan galnay dadka qaar waa iska ilmeeyeen.
inka badan 10 gaari oo kuwa waaraadka oo dhuxul ah ayaa maalin walba harartii ceel Cali laga raraaa, 40 Harar oo meesha guuleed dagdag la yiraa Ku taallay waxaa gubay halmaalin xusen gawir nin la yiraahdo oo ceel Cali aad looga yaqaanno, halkaasna asageey uxerantahay cidna lama hadli karto, sida aay odiyaasha shegeen geedka hararka la yiraahdo wuxuu Ku qaangaaraa oo geedweeyn Ku noqdaa 50 sano, wuxuuna noolaadaa inkabadan 300 sano.
calaa iyo xaal halki ayaan odiyaasha ugu qaadnay saxiix ah in aanan noola qabsan Karin tallaabadii aan ka qaadno qof dhuxul gooynaya, maamulkana waa kasaxiixnay waxaanna uqabannay muddo bil ah oo dhuxusha taalla lagu iib geeyo, waxaanna aadnay baladweyne si aan ula kullanna ragga leh gaadiidka daabula dhuxusha iyo odiyaasha beesha ee kusugan baladweyne, si aan ayagana ugu saxiixno.
qeeybta 8aad ee dadaalkii daljir
markii aan kullaabanay baladweyn waxaan billaawnay qaban qaabada kullan aan iskugu keeneeyno waxgaradka 3 habar gaaljecel.
waana noo suura gashay in aan kulminna oo xilli galab ah ayaan isku keenay inta badan waxgaradka, wuxuuna shirka ka dhacay hotel baladweyne shirka waxaa fadhiyey inta badan odiyaasha oo aay ugu horreeyaan nabadoon nuur afdheere nabadoon muxamed cisman dhaay nabaddoon bocor AU iyo nabaddoonna kale oo fara badan.
markii aan ajandaha hordhignay odiyaasha si aan leex leexad laheen ayey usaxiixeen, waxaa kaloon shirka Ku casunnay anse badi imaadin ragga iska leh gaadiidka daabula dhuxusha, inkastoo markii danba shaqsi shaqsi aan ugu soo saxiixnay, waxa lisku raacay ee la saxiixay waxeey ahaayeen in muddo bil ah waxii ka danbeeya dhulka 3 habargaaljecel laga mamnuucay, jarista iyo daabullidda dhuxusha, mudadaas waxii kadanbeeyo qofkii lagu qabtana uu muteeysan doono ciqaabaha soo socda.
1) qofkii lagu helo asagoo dhuxul gooynaayo waa bil xarig ah iyo 5 milyan oo ganaax ah iyo dhuxusha oo lagala warego Lana gubo 2) qofkii lagu qabta dhuxul asagoo gaari Ku sida waa , 5 milyan oo ganaax ah iyo muddo 10 maalin ah oo gariga lagala warego iyo dhuxusha oo lagu gubo goobta lagu qabtay,3) qofkii la qabto asagoo gaari dameer kusida dhuxul waa 1 malyan oo ganaax ah iyo muddo 3 biri ah oo gaari dameerka lagala wareego 4) qofkii usoo hiilliya qof la ganaaxay wuxuu lamidyahay qofka laganaaxay waxaana laga qaadayaa tallaabo lamid ah la ganaaxaha 4) qofka markii la qabto haddii uudiido inuu dhiibo waxii lagu ganaaxay jeelka ayuu kujirayaa illaa uu kadhiibo ama la helo qof damiinta.5) awoodda fulinta howshan waxeey ka dhaxeeysaa ciidanka maamulada ceel Cali iyo baladweyne, waxaana goobta joogay oo arrintaa balanqaaday, gudoomiya kuxiigeen ka gobolka hiiraan Mohammed ibraahim cabdullahi iyo colonel isaaq shaambi. iyadoo maamulka ceel calina aay horay uballanqaadeen si lamid ah.
6) qofkii soo sheega meel dhuxul lagu jaraayo ama gaadiid dhuxul sida waxaan uballan qaadnay 1 milyan oo shilin Somali ah, waxaanna sameeynay hotline number 24 hours shidan.
daabulidda dhuxusha waxaa kulugleh rag badan oo aan 3 habargaljecel eheen, raggaas waxaa kamid ahaa nin abti sama ah oo leh laba gaari oo dhuxusha kasoo qaada ceel Cali una gudbiyo boosaaso, ninkaas waa utagnay waxaanna ugeeynay waraaq digniin iyo ogeesiis iskugu jirta, sidoo kale waxaan la xiriirnay maamulka dagmada tiyeglow oon usheegnay mudadaas waxii kadanbeeya in aanan dhulka 3 habargaaljecel lasoo dhaxmarsiin Karin gaadiid dhuxul sida, meeshuu doona ha ka yimaado, intaaa markaan isku xerxernay waxaan billaawnay raadinta dhaqaalahii howshan lagu fulin lahaa.
la soco qeybta 9aad oo kusaabsan qaabkii aan dhaqaala aruurinta ugalnay iyo waxii aan helnay iyo caqaadahii naga horyimid.
qeybtii 9aad ee dadaalkii daljir
markii aan meel marinay xeerkii lagu qaban lahaa, dadka jara ama daabula dhuxusha, oo aan waxgaradka 3 habar galjecel mid mid ugu saxiixnay, waxaan billaawnay sidii lagu heli lahaa dhaqaalo lagu fuliyo howshan muhiimka aha, waxaan diyaarinnay liis aan Ku qornay ganacsatada iyo inta aan isniri waxbeey heli karaan, waxaanna uqeeybinnay 3 heer oo kala ah A, B, C, waxaana wax ugu kala qornay sidii aay ukala mudnaayeen, waxaa kaloon la xiriirnay oo garab weeydisannay, raggii iyo dumarkii usharraxnaa kursiga xildhibaanka beesha oo ahaa 4 qof, waxaan Ku niri war nimanyow waddanka aad kursigiisa isku haaysataan, gacanta ayuu ka baxi hayaa ee wax nagu taageera, waxaan nahay dhallinyaro isku xilqaamay badbaadinta dadka iyo deegaanka, mid mid ayaan ula xiriirnay lkn 1 dollar waa ka waaynay, kursigana waxeey Ku raadinayeen lacag aad ufara badan.
waxaa inbadan ka fiicnaaa ganacsatada gudaha oo inbadan nagu taageeray waxeey awoodeen, sidoo kale odiyaasha 3 habar galjecel waxeey nagu wareejiyeen gaari qooqan ah iyo dhowr AK47 oo aay beesha leedahay si aan ugu howlgalno, gaariga shidaalkiisa waxaa noogu deeqay guddoomiye kuxigeenka gobolka hiiraan, muxamed Ibrahim oo nasiiyey fuusto shidaal ah midkalana noo ballan qaaday.
sidoo kale mahadi ha ka gaartee ganacsada cabdi shigshigow wuxuu na siiyey meel aan dhigno oo aan Ku haayno waxii lasoo qabta.
waxaa warqad loo diray odiyaasha iyo waxgaradka kusugan buq-goosaar iyo caagxoog iyo ceeldheer iyo wabxa oo aay Ku qorantahay mudada dhuxusha loo qabtay, maamulka dagmada ceel Cali wuxuu amar siiyey masuuliyiinta deegaanadaas ujooga in waxii mudadaas ka danbeeya aay qabtaan waxii dhuxul lagu arko.
waxaan sameeynay boorar aay Ku qorantahay waxyeellada aay dhuxul jarista ugeeysatay dhulkeena kuwaas oo meel walba lagu dhiji.
intii aan sugeeynay mudadaas annagoo joogna baladweyne waxaa nasoo wacay madaxa isbitaalka dagmada ceel Cali mundane xasan cumar oo noo sheegay in daawo looga tala galay ceel Cali iyo deegaanada hoosyimaado aay taallo isbitaalka guud ee magaalada baladweyne, wuxu yiri haddii aad nasoo gaarsiin kartaan aad ayaa looga baahanyahay, waa daawo lagula tacaalo shuban biyoodka.
isla markiba waa baxnay waxaan tagnay isbitaalka baladweyne iyadoo daawada lakala boobaya, waxaa feel dheer kujira deegaanada xawadla oo kaliya sida beergadiid, baardheera, bacda halgan iyo moqakori iyo kuwa kaloo badan.
waxaan utagnay maamulaha isbitaalka waxaanna Ku niri waxaan ka soconnaa ceelcali oo uu shuban fara ba,an Ku haayo waxaan ubaahanay dawada, maamulaha isbitaalka baladweyne wuxu ahaa nin caadil ah, wuxuu yiri xaqbaad uleedahiin ee 10 kartoon qaata, ayaantaan wax ceelcali kasocda noomaba imaanine, waxaan Ku dhahnay 10 kartoon nama anfacda tuulooyin badan ayaa ceelcali hoosyimaado, wuxuu nooga daray 10 kale iyadoo xawaadlahii kale aay qaaylinayaan ayaan meesha 20 kartoon oo kiiba 24 filibo oo fuuq celis ah kasoo qaadannay meesha 20*24=480 daawadi ayaan soo qaadnay waxaanna Ku qornay magaca shaqsi farmashi kuleh ceelcali, si aan loo fahmin in hay,ad laga soo qaaday, sidi ayeeyna Ku gaartay dagmada ceel Cali iyadoo aad looga baahanyahay.
lasoco qeeybta 10aad oo kusaabsan markii aay dhamaatay mudadii loo qabtay dhuxusha iyo sidii uu howlgalka Ku billaawday qeeybtii 10aad ee dadaalkii daljir
intii aanay dhammaan mudadii bisha aheyd ee loo qabtay dhuxusha waxaan sii diyaarsannay, hub iyo gaari qooqan ah oo aan ugu tala galnay in aay ugaarsadaan gaadiidka dhuxusha soo galiyo magaalada baladweyne, sidoo kale waxaan fuusto shidaal ah oo lagu gaday qaaraankii dadweeynaha ku wareejinnay maamulka dagmada ceel cali si aay ugu isticmaalaan baacsiga gawaarida barmuudada ah.
annagoo diyaar ah ayey mudadii dhamaatay, subaxii koowaad waxba ma arkin, subaxdii labaad, wiil dirisama ah oo dhuxul ka keenay caagxoog ayaa magaalada soo galay, intii uusan magaalada soo galin ayaa lasoo sheegay markii uu suuqa sara soo gaarayna gacantaa lagu dhagay, gaaridameerkina meel ayaa la dhigay dhuxushina waa lala wareegay asagana jeelka ayaa loo taxaabay asagoo sidii uu magaalada usoo galay ah oo xitaa aan shaah cabin oo boorkiisa qaba, 17 kiish oo dhuxul ah ayaa gaariga usaarneed.
waxaan ku dhahnay war inkaar hela maxa kugu dhacay ma maqlin miyaa in dhuxusha la mamnuucay, wuxuu yiri waa maqlay lkn mudada waa ka gaareey ayaan islahaa markii aan soo baxayna gaariga ayaa dhaxda iiga hallaabay sidaas ayaanna kusoo daahay ee tolkeeygow waxii aad gooyseen waa ogolahay ee igu qaada, isla markiiba waxaa yimid nabaddoon cismaan codweeyna oo wiilka adeer u ah wuxuuna keenay milyankii ganaaxa waxaana laga cafiyey siddaxdii maalin ee lagala wareegi lahaa gaaridameerka.
odiyaasha uu wiilkaas ka dhashay waxeey dhaheen howsha meesheeda ka wada sidaanna kuwada, annagana waa umahad celinnay sida wanaagsan ee aay ugu hoggaansameen xeerkii lagu heshiiyey .
isla maalintaas galabkeedi waxaa na qabsaday rabsha yar, oo laba wiil oo cidda ah oo midna uu dhalay xuseen aadan dhabad hadda magaciisa waa halmaamaye midna uu dhalay aadan darooga oo la yiraahdo c/samad aadan darooga oo hadda aan maqlay inuu geeriyooday allah unaxariistee, ayaa fowda nagu billaabay, ina xuseen aadan dhabad wuxuu jeexjeexay waraaqahii aan darbiyada ku dhajinnay ee ogeeysiiska ahaa, ina aadan daroogana wuxuu noo soo qaatay qori wuxuuna taayarka xabbad kaga dhuftay gaarigii aan wadannay, arrintaas hakad yar ayey na gilisay balse uma joojin.
subaxdii taas xigtay waxaan la fariisannay odiyaashii qoysaska aay ka dhasheen wiilashaas na fowdeeyey waxaana lagu qaaday xeerkii noo yaallay oo ahaa qofkii carqaladeeya barnaamijkaan in la ganaaxo lacag dhan shan milyan oo shilin somali ah oo lagu daray taayarkii gaariga oo lagu qiimeeyey 80 dollar iyo waraaqadahi lacagtooda oo dhameeyd 30 dollar, lacagtaas isku geeynteeda waxeey noqotay 8 milyan oo shilin somali ah.
odiyaashi weey aqbaleen ganaaxi, maalintii xigtay ayeyna lacagta shubeen.
tolkeena sida uu noo garab istaagay ee hiil iyo hooba aan ugu helnay waxaa kasii qurux badnaaa sida qof walba uu ugu huggaansanaa waxii aan ku heshiinnay iyo sida noola garabtaagnaa yar iyo weeyn qiyaastii 3 isbuuc ayaanan la arkin wax gaari ah oo dhuxul wada, warkana meel walba waa isgaaray, galabkasta waxaan qaadi jirnay roonda aan ku mareeyna laga billaabo buurta la yiraahdo baali illaa shaanburow iyo ganbarlaawa, meelahaas dadka daggan waxaan u qornay nambaradeena waxaa dhahnay nasoo waca hadaad dhuxul aragtaan waxaad leedahiin abaalmarin.
jawiiga waa dagay qalbiyadina waa nasteen, dirisama iskuma talin karana meesha waa ka baxday, intaas kadib waxaa noo yimid nabadoon la yiraahdo biribaaqda oo ah nabaddoonka beesha caafi oo leh dirisamow aan iskaashanna anagana waxaan rabnaa in aan dhuxul iska mamnuucna, waxaanna ku niri soo dhawaada.
Sida aan kusoo sheegay qeeybtii hore ee 10 aad dal iyo dadba waa la nastay oo dhuxul waa joogsatay, annagana difaaca kama bixin oo jidwalba waa taagneen,
Muddo kadib xilli subax ah waxaan afka hore ee magaalada ku qabannay gaari dhuxul sida oo aay raxaweeyn leedahay lkn uraran nin caafi ah oo muxamed haaruun la yiraahdo, Gaariga markii aan joojinnay waxaa kasoo dagay ninkii watay ee caafiga ahaa wuxuna na tusay warqadii boonada cashuurta oo uu kasoo goostay burdha wuxuuna ku dhaartay in dhuxushan uu ka keenay dhul raxaweeyn, annaga kama yeelin, markii danba waxa naga fuji odiyaal waxaana laga saxiixay in aanu dhuxul danba soo dhax marsiin karin dhul dirisama, haddii uu soo dhax marsiiyana waxaa loo sheegay in gaarigiisa la gubi doono.
Tiina waa dhacday oo gaarigi asaga ahaa waxeey shababku goordhaweeyd ku gubeen deegaanka ceeldheer oo hoostaga dagmada ceelcali.
Intaa kadib waxaan maara uwaaynay dhuxusha raxaweeyn ka timaadda kuwaas oo aay wadaan gawaari jajeela leeyahay oo mara buqgoosaar, Waxaan go,aansannay in aan tallaabo ka qaadna gawaaridaas, annagoo udiyaarinnay ciidan u fariista meesha la yiraahdo eesguduud.
Lkn waxaa nagu dhagay odiyaasha buqgoosaar iyagoo leh colaad ayaa jirta jijeelana hadda heshiis ayaa na dhaxmaray ee jijeela ha nagu taabanina, haddii kale hadhow anagaa ballan ka baxya nagula eedeeynaa.
Arrinti iyadoo aay halki taagantahay lkn dhul dirisama uu nastay ayaa waxaa nagu furmay gawaari barmuuda ah oo kasoo fakanaya maamulka ceel cali.
Sida muuqatay maamulka ceel cali ayaa gaabiyey iyagoo jooji roondadii aay ciidanka sameeyn jireen.
Waxaa billaabatay xan ah in maamulka ceel cali aay fasaxeen dhuxusha.
Iyadoo aay halkaa taagantahay ayaa waxaa dhacday in ciidankii itoobiya aay ka baxeen dagmada ceel cali sidoo kalana waxaa iyana ka baxay maamulkii dagmada, waxaana durbadiiba magaalada soo galay ciidanka shabab.
Gacan ku haaynta magaalada waa isbadashay, dadweeynahina waxeey noqdeen qaar cararay iyo qaar madaxa laabay oo afka qabsaday.
Ururkii dhallinyarada daljir ee howsha waday horta niyadjabka ugu weeyn wuxu kaga yimid qabsashadii dagmada ceel cali dowladda laga qabsaday.
Dhallinyarada wali waa taaganyihiin oo waa shaqeeyaan, lkn ubucdii shaqada aay ka socotay ayaanan la tagi karin.
Waxaa igu maqaala ah in shababka aay halkii kasii wadeen mamnuucii saarnaa dhuxusha iyagoo waliba gacan bir ah ula tagay baabuurtii sida xatooyada ah uqaadi jirtay dhuxusha. Waxeyna gubeen dhowr gaari oo dhuxul siday.
Sheekadaan dheer waxaan ujecleeystay inaan qoro igama aha faan ee waxeey iga tahay in aan dadka tusiyo in wax la qaban karo haddii garbaha leeys qabsado.
Sidoo kale waxaan ugu tala galay in aay dhiirri galin iyo tixraac unoqoto ciddii mustaqbalka danbe wax uqabaneeysa deegaanadeenna.
Aadbaan idinku mahad celinayaa sida wanaagsa. Ee aad ula soo socoteen qeeybahii badnaa ee sheekadan dadaalkii daljir.
Sidoo kale waxaan raalli galin ka bixinayaa intii aay sheekadaan socotay dadkii aan magacyadooda ku xusay ineey iga raalli noqdaan haddeey idhibsadeen.
Aniga ma ahi qoraa sare laakiin xamaasadda ayaa itiri wax qor intii tabartaada ah.
Haddii aad inoo haaysa su,aalo ama dhirri galin amaba dhaliil waxaad iigu soo diri kartaa cinwaanka gmailka ee ah ib.nuor@gmail.com ama barteeyda facebook ee www.facebook.com/ibraahim.aar.
W a b i l l a a h i t o w f i i q.
Editor and publisher by Eng.Ibrahim Ali abdi.mm
__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com