subaxdi xafladda la qaban lahaa markii uu qaraxa dhacay masuuliyiinta maamulka ayaa kulan noogu yeeray, waxeeyna noo sheegeen in aanan xaflad la qaban Karin, tan iyo inta laga xaqiijiyo ammaanka sidoo kalana la ogaado ciddii ka danbeeysi qaraxa, annaga waxaan niri safar ayaan nahay howlo ayan kasoo tagnay waxaanna halkan unimid in aan bulshada lakulanno waxii aan wadnana aan kuwareejinno qeeybahii looga tala galay mana jogi karno muddo badan.
kulanka dhanka maamulka waxaa fadhiyey, gudoomiye yarow iyo gudoomiye kuxigeen ahna madaxa ammaanka mudane aadan qaawana iyo waliba taliyaha ciidanka dagmada ceel Cali ibraahim xuseen, wada hadal dheer kadib waan ismari waaynay malintasna xafladddi anaga iyo bulshada halkaas yey Ku baaqatay, waxaa nooga sii darnaaa in madaxa ammaanka ahna gudoomiya Ku xigeeka mudane aadan qaawane uu nagu yiri, iska baxa waxa aad meelaha kuwad waddaanna noqsada argagaxiso ayaad tihiin waxbana idinkama rabnee.
meeshi ayaan Ku kala dhaqaaqnay anagoo aanan heshiin.
shir dhaxdaayna ah kadib waxaan Ku heshiinnay in aan adkeeysano illeen dalkaan anagaa iska leh Cid kaloo umaqanna ma jirto, hadal dadeedna aanan dhag jalaq usiinin.
intaas kadib waxaan aadnay odiyaasha dhaqanka oo aay ugu horreeyaan odi khliif idiris iyo odi deerow tawwaad, sidoo kale waxaa si weeyn noola shaqeeynaay oo anaga iyo odiyasha noo dhaxeey, nabadoon muxamed cumar bariireey.
odiyaashi ayaan kullanay si wanaag badan ayeyna noola hadleen, odi khaliif wuxu yiri kuwaan qoryaha wata warkooda iska dhaafa juuq adiinma dhahi karaan ee howshiinna qabsada, sidoo kale odiyaha waxey uyeereen maamulka halki ayuuna ka dhacay kulan siddax geesood ah, waxaana lagu heshii in subaxa danbo 2 saac xafladda la qabto, bulshadana waa la iclaami, halkaas ayuuna gudoomiye aadan qaawana raalli galin ugu bixi hadalkii uu yiri.
la soco qeeybta 5 aad oo Ku saabsan sida aay xafladda udhacday.
Haddii aad inoo haaysa su,aalo ama dhirri galin amaba dhaliil waxaad iigu soo diri kartaa cinwaanka gmailka ee ah ib.nuor@gmail.com ama barteeyda facebook ee www.facebook.com/ibraahim.aar.
W a b i l l a a h i t o w f i i q.
__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com