 |
orad ama deg deg
|
Wiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal qabeen
ah, wiilka wuxuu aad u jeclaa gawaarida cayaaraha (sports cars) wuxuuna
ku taami jiray inuu helo gaari noocaas ah, kadib markii uu dhameeyay
jaamacadii ayuu aabihii ka codsaday inuu helo hadiyad balse muusan
sheegin waxa uu doonayo.
Aabihii oo ogaa waxa uu jecel yahay wiilkiisa ayaa maalintii danbe u
yeeray inankiisa, kadib u dhiibay Baakad sajalaataysan, wiilkii ayaa
furay baakadkii, markaas ayuu arkay Kitaab Quran ah.
Intuu xanaaqay ayuu yiri: “Lacagtaan ogahay ayaad haysataa balse
Qur’aan ayaad ii qurtay oo kaliya Soo maaha?” Markaas ayuu albaabka ka
dagay isagoon hadal kale dhihin.
Wiilkii guriga aabihii ayuu ka tagay, nin wax qabsada ayuu noqday, shaqo
iyo ganacsi ayuu yeeshay. Kadib sanado badan kadib ayaa waxaa u yimid
aqbaar oraneysa in aabihii geeriyooday, una dhaafay dardaaran ah inuu
dhaxlo maalkiisa, sidaa darteedna ay tahay inuu yimaado si uu waraaqihii
u saxiixo, aabihiina u duugo. Markiiba wuu soo baxay, yimid meeshii
aabihii dagnaa.
Aaskii kadib ayuu bilaabay inuu gurigii aabihii baaro, hagaajiyana
waraaqihii aabihii, markaas ayuu galay qolkii khaaska ahaa ee aabihii,
wuxuu arkay Baakad meesha yaala iyo waraaqo, markaas ayuu arkay
Kitaabkii Qur’aanka ahaa ee abihii siiyay oo halkii yaalo, wuu qaaday,
saa waxaa hoos yaalo bashqad, wuu eegay, saa waxaa ku qoran heshiis
aabihii lasoo galay ganacsata gawaaridii uu jeclaa, isagoo wiilkii usoo
gaday gaarigii u rabay, ahayd inuu “dealer-ka” keeno gaarigaas dhowr
bari kadib.
Oohin ayuu halkii la fariistay. Wuxuu ogaaday inuu aabihii maalintii
horeba gaariga soo iibiyay balse uu sugayay keenidiisii, Quraankiina u
gafay, aabihiina xiriirka ka goostay.
Wuxuu gartay khaladaadkiisii foosha xumaa balse waa mar meesha lugu kala tagay.
Hadaba meeqa mar ayaad Ilaahay nimcadiisa aadin sugin oo
degdegsiimo ku dhaafisaa? Mar walbo goorma Alaala goorta ay tahay wax
hubso hana deg degin ileen Shaydaanka baa dag degee……..
Aisha Mohamed