|
jaceyl ooyin makaa keenay. |
www.deercali.blogspot.com:- Qof uu cudur kuu hayoo haddana kaa caawineyn cad ka maqan ba la yiri
,waa runoo haddii ad qof jacelkiisa u tabar daran tahay hadana uusan kuu
soo jeedin waxaad la daris noqoneysaa dhibaatiyo soo jeed aan xad
laheyn ,waxaasi daasi yiri inan Somaaliyeed.
Waxaa in muddo ah jaceyl aan xad laheyn oo ku dhisnaa wanaag iyo is
ixtiraam uu inoo dhaxeyey inan aan in muddo ah wada soconay ,haddii an
wax yar kaaga so haabto qisadeydi jaceyl ee an soo maray waxa ay u
dhacday sida tan:-
Waxaan ahaa inan dhalinyaro ah oo ku nolaa magalada muqdidho
,nolosheydana waxa ay ku saleysneed waxbarashada oo kaliya iyo ciyaarida
kubadda cagta oo an wada ciyaari jirnay asxaab dhalinyaro ah oo an wada
daganeen xaafadda an kaga noolaa magalada muqdisho
galab ka mid ah galbaha ayan waxaan usuconay aniga iyo asxabteydii sida
ay balanta aheydba goobtii kubada cagta waxa dhalinyaradii qaar ka mid
ah aysoo jediyeen in aan sii lugeyno oo an xaafada dhex marno gacal iyo
guddoonbaa lagu yiri fikirkii ay so jediyeen .
waxaan socono anagoo maalintasi ay naga muuqatay farxad iyo sheeko
mararka qaarna aan farakaciyaareenay ayaa waxa hal mar ay indhaheygu ay
qabteyn gabadh iyadu al baabka ama illinka hore ee guriga ku seerineysa
biyo ay ku siday baaldiga malaha gabadhu aniga ayey idan laheyd wayo
waxa ka muuqaneysay bilicsan oo hal mar iga soo saaray jawiga farxada
ahaa ee an kula jiray asxaabteydi an wada soconay waxaanba arkay anigoo
asxabteydii socdodkii ka yara hakaday oo si fiirinaya gabadha.
Nasiib daro gabadhii ayaa markey howsheydi dhameysatay al baabkii
xiratay aniga oo an aqoon sida ay wax iga yihin ayaan meeshi isaga
dhaqaaqay hase ahate ku talamaya talow maxa ka qaldan anigo waxba ugalin
ayaan asxaabti kadaba orday banoonigi ayaan soo dhameysanay gurigi ayan
isaga so laabtay .
Waxaa ii furmay baal fikir iyo xasuus ah aragtidii gabadhii baa
isaaqday habeenkii hurdo wan isa seegnay waxaan ka fikiraa uun wa gabar
aan aqoon magaceeda iyo xalada ay tahay iminka ma qof la qabaa mase wa
gabar gayaankaa ahoo ad wax wadaagi kartaan muddo ayan ku fakiraayey in
aan niyadeyda kasoo arimaha ku aadan gabadha laakiin waxa mar waliba iso
hor istagayey suuradeedii wanagsaneyd iyo muuqii maankeyga qaaday qof
waliba jawigan an ku jiro wa uu iga dareemi karaa waayo waxan noqday
maqane jooge aan ogeyn waxa usameeyo xaalku waa u igu adag yahay
asxaabteydii oo dhowr jeer igu tiri an wada baxno si aan banooni usoo
dheelno wa ay igu hungoobeyn waayo jugti igaartay ee an fududeysanayey
ayaa igu noqotay mid aan kasoo kici waayo muddo iyo maalmo markii an
xaalkaa ku jiray ayaan go’aansaday in an asxaabti raaco waayo waxaa ay
kusii jeedeen garoonkii kolkii hore oo asagu ku yaalay meel cabaar inoo
jirto oo an kula soo dheelno koox dhalinyaro ah ,aniga aya so jediyey
codsi ah saxiibayaal maadaama an indhowr ah an ciyaarin ama an guriga
kasoo bixin waxba gaari ha ina saarinina ee an sii yara luga baxsano oo
aan sida ku gaarno asxaabti wa ay igu raacin iyago oogaa in aan bar
yahan xaalkeygu usan wanagsaneyn.
Inta aan wada soconay aniga waxan ku fakiraayey tolow nasiibku miyuu
kugu caawin doona in ad fursad uhesho in aad la kulanto gabarta aad
sidan u tahay asxaabto waa kuwa deg degayaa oo hadana wadaagayo sheko
aniguse qalbigeyga waxaa maaxanayo arimo kale waxan go’aan ku gaaray
haddii an nasiib u helo in aan arko in aaan si kastaba wax usheego
(Dhiigiyo kalgacalkee ee xidida dhameystira afka lagama dhowree ma
ogtahay dhararahaan markaan dhan useexdaba sidaan kugu dhaadhabayo o an
agteyda ka dayo haddii ad dhigeygaay ii dhibtoon tahay aniguba kuguma
dhaafeen ee dhinacaaga ila qabo) oow fiicnaan laheydaa haddii an ku
dhihi lahaa hal mar sida qoftan an u dhawacanahay oo xittaa an aqoonta
ulaheyn niyadu marba waxbey itustaa oo qofadan aqoon magaceda miyaad ku
dhahda wan ku jeclahaye wax ila qabo maya waa kolkaa oo ad ku fashilmaa
arintu waxa ay ku wanagsan tahay si tartiib tartiib ah ee horta magac
iyo numberkeda so hela ama xittaa emailkeeda ugu yaraan haye ayan iri
hadana waxan le yahay so suuro gal maahan madama ad muuq ahaan taqaano
in ad ku tiraahdo wan ku jeclahay abaayo haa maya macquul maahan sida
mahanee sidaa ayey arimi ku fiican tahay ayaan mar waliba ku talamayaa
dhidid baa iga dureera muujado ayaan dhex dabalanayaa sheekado waa mid
igu labo bugleyneysa marna hoosbaan dayaa oo anigo laadaya dhagixiinta
marna waxaan si qumaati ah ugu socdaa horteyda madaama an usoo dhowaney
gurigii ayaan asxaabta ku iri sii socda aniga ayaa idinka dabo imanaya
muran yar ka gadaale wa ay iga aqbaleen.
waxan soo gaaray halkii layga helay gurigii ay kasoo muuqatay
gabadhii bidhaanta wanaagsaneyd (oo ah masoo bixi doonta mase
nasiibdarada gabadhu maanta sooma baxdo oow ALLE ayaan baryaya in uu
illa kulansiiyo ) anigo albaabka uunbaa indhaha ku hayaa hase ahaate
waxan fiiriyey in canbaar ah markii an joogay hareeraha guriga jardiin
markaasi ku yaalay guriga dhiniciisa waxan arkay arin aan ugu farxay waa
iyadiyoo bilicdii an ku ogaa mid ka sii sareysa uu ka muuqdo wa kali
cidlo ah waxaana ay ka yaaban tahay sababta an guriga u hortaagnaa iyo
markan arkay waxa qosolka iyo dhididka mataanaha ah iga keenay anigu
waan aamusay hoos baan eegay ALLOOW yaa ku qariya ayey iga taagan tahay
markaan xaajo wixii arin ahaa ee aan so gorfeeyey wan iska ilaaway
laakiin wa ay ila hadashay ayadoo igu leh:-
fiiri walaal maxa ku helayna ee ad guriga u hortaagan tahayna?
anigoo hinraagaya ayan ku iri maya abaayo wax kale maahan eeeen eeen
fiiri horta abaayo eeen naftii baan hoos ka canantay wa fursade ka
fa’ideeso ayan iri qumaanti ban u istagay wan egay waxan ku iri abaayo
sow ma daginiidiina idinku gurigaan (haa oo wayo ayey igu tiri) ok
abaayo.
Horta magacaga ma aqaanee isheek ayaan ku iri
gabadhi: oo maxad ii su aashayna?
wiilka: maya abaayo waa iska caadi qof magiciisa in la weydiiyo
gabadhii: waa deeqa
wiilki:maasha’allaah anigana abaayo waa hanad
gabdhii:mahadsanid haye hanad maxaad udan ledahayna wanba ka
yabanahay Ow waa fursad dahabi ah wa in an ka fa’ideystaa, abaayo deeqo
aniga muuq ahaan wan ku aqanay laakiin magacse waa igu ugub oo haddan ka
maqlaa laaknii sheeko ayaa jirta abaayo kolleey waxba kama qarsoona wax
waliba wad dereemi karta waxa gurigina i hortaajiyay iyo sida uu xalku
yahay
gabadhii: haye waxa ay u muuqataa in ay gabdhu tahay mid dagan oo si
taxadar leh idhageysaneysa hadalkeeduna uu dabacsan yahay , markaasan
intaan wadnaha gufeystay ku iri abaayo haddii an ku sheego arintaasi
dadka qaar ma qaadanayaan oo waxa ay lee yihiin waa qiyaali laakiin
qofka caqliga leh ee arimaha rog roga waa uu qaadan kara waayo wax
waliba dunidan wa ay dhacaan anigu teyda maahan wax an horay u dhicin wa
wax dhacay dhicina doona dhicina jiray abaayo aniga ka hanad ahaan wan
ku jeclahay waliba si an caadi aheyn ayaan ku jeclahay abaayo deeqo
markaana anigo umariyey ereyadii uu ku luuqeeyneyey lafoole ee ahaa.
Dabacsanida hadalkiyo daganaanta inan yahay waa waxa dareenkiyo nafta
damaca galiyee kaaga doortay kheyrkaa ,dugsi dhaxanta celiyo daawadeyda
ii tahay deeqa abaayo wan ku jeclahay.
markaan inta ku iri ban yara nafisay haa alxamdulilaah jawaab ayaan
ka sugaya wan damqanaya miyey kaa aqbaleysa mase waa ay ku dideysa oo wa
ay kugu gacan seeri doontaa ALLOOW umuraha sahal,Jawabteeda waxa ay
Noqotan Sida Tan’’
Talow Maxaa loogu Jawaabi doonaan ? Gabdahu maku qanci doontaa Hadalka Hanad mise arin uusan fuleyn ayuu kala kulmi doonaa?.
lasoco Qeybta 2-aad ee Sheekada Jimcada Soo socota hadii Rabi Qadaro
W/Q: Nafisa Xaashi Cali