www.deercali.blogspot.com:- Marwo
Xaawo waa hooyo codsatay inaan magaceeda oo buuxa iyo sawirkeeda aan la
qaadan arimo nabad gelyo aawgood waana hooyo leh caruur oo gabadha u
weyni ay qaan gaartahay.
Hooyo Xaawo waxay dhabarka u xiratay
inay qoyskeeda usoo dhiciso nolol maalmeedka bacdamaa uu Aabaha reerku
yahay baagamuundo balwada Qaadka isticmaala, Hooyo Xaawo waxay laheyd
Miis weynoo lagu iibiyo qudaarta nuucyadeeda kala duwan iyo macaamiil
joogta u aheyd oo ka adeegta mudo waxay howshaasi soo wadaba waxay ii
sheegtay inay maalin maalamaha ka mida iyadoo ku sugan suuqa qudaarta ee
Bakaaraha ay labada daan ka haleeshay xabad ka soo dhacday qoriga loo
yaqaan Bkm(dabajeex), isla markaana inta badan ilkihii iyo gowsihii ay
ka daateen, iyadoo markiiba nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto dadkii
loola cararay mid ka mida Isbitaalada Muqdisho.!!
Taqaatiirta
isbitaalka waxay la tacaaleen inay u qabtaan howlo gargaar iyagoo
sheegay in aanay waxba ka qaban karin dhaawaca Hooyo Xaawo oo dhinaca
kale aan helin gargaar marka laga reebo gabadheeda weyn oo isku waday u
adeegida hooyadeed iyo macaamiisha miiska Qudaarta.
Sebtember
2008-di ayaa hooyo Xaawo dadaal dheer oo loo galay kadib ay nasiib u
yeelatay in ay ka mid noqoto afar qof oo loo qaaday magaala madaxda
Kampala ee dalka Uganda.
�Ma fileyn runtii in aan waligey marki
iigu horeysay aan diyaarad raaco anagoo ka koobneyn wiil dhalinyaro ah
oo kaadi heysta xabad uga dhacday iyo laba caruura oo indhaha, sanka
Afka uu ka haleelay firirka madfac ku habsaday hooygooda, runtii ma
maleyneyn sidii wefdi in naloogu sugayo garoonka Diyaaradaha oo halkaas
taqaatiir iyo saraakiil ciidan ay nooga qaadeen gawaarida Ambalaasta�
ayay tiri hooyo Xaawo oo intaa raacisay in laga bixiya tubo dhuunta uga
jirtay oo laga siin jiray Mushaariyo Caano u badan.
�Lix bilood
kadib ayaan dareemay in aan afkeyga wax ku cuni karo, Ilaah ayaa
mahadaas iska leh kadibna Madaxweyne Museveni iyo shacabkiisa Uganda,
waayo waxaa dhibkaan noo geystay waa wiilasheynii Soomaaliyeed, waxa
dadaalkaan noo sameeyeyna waa wadan deriskeynaa oo Afrikaan ah� ayay ku
celcelisay Maama Xaawo oo iminka u muuqatay qof caadi ah oo ilkaheedii
iyo labdeedii daan ay noqdeen kuwo caadi ah, iyadoo xog wareysigeedii ku
soo gebogebeysay mahad waxaa leh Mowlahey inta madowna Museven.
W/D: Maxamed Wadani.