|
dhacdo layaab |
Dhacdo layaab leh oo ka dhacday xaafada Woolwich koonfur bari Magaalada London kadib markii gabar da,yar ay iska soo tuurtey dabaqa17naad markii Boolisku si kadiso ah ugu soo galeen kuna war galiyeen inay is dhiibto waxase gabadhii yareyd ay door bidey inay go’aan
deg-dega gaadho si kadis ah dabaqii isaga tuurto.
Sida aan wararka ku helaynay waxa gabadhan yar xabsiga laga soo daayey sanadkii hore 2011 iyada oo lagu xukumey in banaanka lagu ilaaliyo booliskana timaado todobaadkiiba maalin si loola socdo xaaladeeda balse dhag jilaq uma siinin oo magaalada ayey hawsheedii sidii caadiga ahayd usii gashey Waxayna deganayd xaafada ka mid xaafadaha magaalada London.
Booliska oo intaa ku daba jiray gabadhaa ayaa waxa ay soo ogaadeen inay joogto xaafada Woolwich oo ahayd meshii ay ku naf weyday, Daraato subaxnimadii ayaa boolisku waxa ay si kadisa ugu soo galeen iyada oo ku dhuumanaysa qol yar iyada iyo saxiibkeed kadibna markii ay aragtay booliska waxa ay doorbidey inay cagaha wax ka daydo iyadoo usii carartay xaga daaqada si ay booliiska u tusto inaanay is dhiibayn iyada oo ku dhawaaqeysey sida ay noo sheegeen dad daris la ahaa “IDAAYA AMA WAAN IS TUURAYAA” balse boolisku waxa ay isku dayeen ineey la-hadlaan ama ay usoo dhowaadaan si ay usoo qabtaan, nasiib daro waxa ay iska tuurtay daaqadii tasoo ku noqotay booliska fajaciso iyo wax ay la yabaan. Sida ay iigu warameen dad madasha joogay kadib dhacdada.
Sida boolisku ay sheegeen gabadhaa yar ee iska soo tuurtay dabaqa waxa ay jirtay 18 sanadood waxa ayna ahayd iska dhal, waxa kale oo ay warku intaas ku darayaan in gabadhaa yar ee dabaqa iska soo tuurtay ay kusoo qortay boga facebooga hadalo ay ku muujinayso iyadoo ciwaan uga dhigaysa” Hadii aad i qaban kartaan i qabta awoodna uma lihidiin inaad isoo Qabataan, Waxaan ahey danbiile waan is ogahey sidasoo kale waxa ay carabaabtay nooca maandooriya loo yaqaano Drug ay qaadato oo ay ku faafisay booga Facebooga waxa kale oo ay ku adkaysatay waa sida ay qoraalka ku sheegtaye inaanay joojin doonin qaadashada maandooriyaha.
Waxa ay dhacdadani ku noqotay dadkii xaafada Woolwich iyo agagaarkeedaba deganaa fajaciso iyo wax lala yaabo tasoo kuu cadeynaysa in maandooriyahu yahay wax dhibaato qofka ku keenaaya looga baahan yahay in dadka laga wacyi galiyo, Xaafada Woolwich oo aan
qudhaydu degan ahay waxa dadku ay aad u hadal hayaan dhacdadan sida aan warka ku helaayo gabadhaa dabaqa iska soo tuurtay waxa ay deganeyd xaafad kale oo aan Woolwich ahayn.
Xamse Axmed Salaan