|
qusul
|
Wuxuu ku dhaafay meel meherada, waligii muu arag bashar ka qurxoonaa,
waxay ahayd gaabadh jalaqsan oo shacnigii caruurnimo wajigeeda ka
muuqdo, waxay lahayd sandheer oo aad moodaysay in la dul dhigay, timo
madaw oo aad u dhaadheeraa oo dhuxusha ka madoobaa, indho waawayn oo
jaleecada ay ku soo eegaan naxariis kugu beeraya oo ka soo xasuusinaya
caanaha aad naaska hooyadaa ka jaqday, indhaha lab ee arkaa aanu
jaleecadooda hal daqiiqad ka jeedsanayn,mararka qaarkood sida korontaada
ayay wadnahaaga u dhufanaysay, ma dheera mana gaabna,waxay ahayd
daqiiqad kaliya markii uu indhaha qac ku siiyay, nasiibku se uma
saamixin inuu qadar daqiiqadaa indhihiisu ku sii hakadan.
Wuxuu si kadisa u tagay qolkii uu ka daganaa guri cidlaa oo ay kula
noolaa hooyadii iyo aabihii oo ku yaalay magaalada koonaheeda oo ah
xaafada la yidhaa ( QANDAHAAR), isla
daqiiqadii uu qolkiisa galay ayuu miyir beelay, la isku carar isagoo
sakaraada ayaana la keenay mid ka mid ah dhakhtarada ugu caansan
magaalada hargaisa waaa BUKAAN GARGAAR, wuxuu koomo ku jiray mudo 1 saac
ah, si kastoo loo baadhayna waa laga waayay wax xanuuna, waalidkii
dhalay way rumaysan laayihiin waxaanay ku doodayeen inaanu wadanka wax
dhakhtari joojin, iyadoo loo abaabulayo in loo qaado wadamada jaarka ah
ayuu ilaahay amarkiisa la dareemay isagoo lugihiisa ku istaagaya,
xaaladiisa caafimadna ka soo raynayso.
Ma hadlayo,wuu taahayaa, hadaad qadar daqiiqadaa dul istaagto
waxaabad is odhanaysaa malaha malagii nafta ka qaadayay ayaa ku soo
dhow, wuxuu noqday qalfoof dharkii xidhan,dadka qaar ayaaba ka fikirayay
inuu hayo xanuun uu la il daranyahay,se arintu sidaa may ahayn, mar
kaliya ayaa lagu war helay dhawaaqa hadalkiisa, farxad , raynrayn iyo
badhaadhe ayaa la isla oogsaday, wuxuu codsaday in si dagdaga loo qaado,
balse dhakhaatiirtii ayaa ka diiday, wuxuu u sheegay in hadii la qaadi
waayo ay naftiisku halis gali doonto, dood dheer iyo codsiyo iska soo
daba dhacayay waxaa la isla gartay in loo qaado halka uu codsanayo ? bal
adba- waa la kaxeeyay waxaa si kadisa loo saaray gaadhi noociisu yahay
indho cade- waxaanu u tilmaamay inuu geeyo meherad lagu iibiyo dharka.
Waxaa qofkasta maskaxdiisu sida mawjada badda oo kale ugu soo
dhacaya, qofkii sakaradka ahaa muxuu ka doonayaa meel dhar lagu iibiyo,
hooyadii ayaa dhawaaq murugo laga dhadhansanayo wiilkii dirawalka ahaa
ku tidhi hooyo malaha inanku ma hagaagsana, sawkan meherad dhar ina
galiyay, isla daqiiqadii uu meherada galay ayaa waxay indhiisii uu qac
ku siiyay, gabadha quruxda uu ilaahay ku manaystay ee gidaarka
koonaheeda soo taagan, waaba isla gabadhii uu darteed sariirta u
yaalay,waa qalanjadii oo qaayihi uu ilaahay siiyay la qotonta oo aad
moodo inay sii qurux badnaatay ayaamihii uu sariir yaalka ahaa.
Waxaabay ku soo eegaysaa indho cad oo waawayn oo aan hal daqiiqad
libiqsanayn,isagoo yaaban oo fajac iyo murugo la dhakafaarsan ayuu mar
kaliya dhidid waawayni ka hooray, waxaana lagu war helay ninkiii
sakaraadka ahaa oo labadiisa cagood ku taagan,isla daqiiqado yar
gudahadood intuu qosol gariirka ka sanqadh dheer ku dhuftay, ayuu
gacanta ku fiiqay- yaab badanaa, dunida wax kasta waa lagu arki-
gabadhii uu jeclaaday waxay ahayd sawir gabadh taalay meherad ka mid ah
meherada dharka lagu gado oo loogu labisay sida ugu quruxda badan ee
gabadh soomaaliyed u labisato- isagoo qosolka iyo farxad la
damaashaadaya ayuu mar kaliya ku dhawaaqay- waa taa gabadhii aan darteed
sariir yaalka u ahaa- wax qoslaya mooyee wax kale dadkii waa laga
waayay.
Qalinkii : Abdifatah Sh.Nouh Jaamac (Suldaanka )