Gurigaaga
Ujrada Golaha (Council Rates)
Markaad leedahay guri waa inaad lacag siisaa Golaha sannad kasta oo loo yaqaan lacagta
macaashmacaashka .
Macaashmacaashka waxaa loo isticmaalaa in lagu qabto adeegyada
bulshda oo ay ku jiraan ururinta qashinka, wadooyinka iyo marshabiyeedka, iftiinminta
baaggaga, baaggaga iyo jardiinooyinka iyo tasiilaadka madadaalada.
Goluhu wuxuu isticmaalaa qiimaha guryaha oo uu aasaas uga dhigaa xisaabinta intaad ka
bixineyso macaashmacaashka guryaha.
Waxaa sidoo kale jira lacag gaar ah oo layskaga qaado
qashinka ee biinasha wasakhda ee 120 ka litir iyo 240 litirka biinasha waxyaalaha xumaada ee
cagaaran sida dhirta.
Waxaad dooran kartaa inaad u bixiso macaashmacaashka guriga hal mar ama afar jeer inaad
kala bixiso. Haddii aad ku bixineysid hal mar, waa inaad bixisaa lacagta oo dhan 15 Febaraayo ee sannad kasta.
Haddii aad doorato inaad u bixiso si si yar, lacagaha waxay bixintooda la rabaa maalmaha soo
socda sannad kasta:
Haftada 1aad – 30 Siteembar
Haftada 2aad – 30 Nofeembar
Haftada 3aad – 28 Febaraayo
Haftada 4 aad – 31 Maajo
Wixii macluumaad dheeraad ah ama haddii aad rabto inaad ogaato sidii aad ku bixin lahayd
macaashmacaashka guriga fadlan na soo wac.
Balaarinta gurigaaga ama dhisida guri cusub
Haddii aad dhiseyso guri cusub ama aad qorsheynaysid inaad gurigaaga balaariso, waxaad u
baahan doontaa inaad dalbato ogolaanshaha qorshaha iyo ogolaanshaha dhismaha.
Shaqaalaha jooga Golaha Banyule way ku farxi doonaan inay ku siiyaan macluumaad iyo tallo si
ay kaaga caawiso mashruuca dhismahaaga. Waxaan sidoo kale kaa caawin karnaa inaad abuurtid
mashruuc dhismo oo waari kara.
Ogolaanshaha qorshaha ayaa laga yaabaa sidoo kale in loogu baahdo goynta geedaha.
Khataraha dabka
Si loo ilaaliyo qof walba ammaankiisa waa inaad ka dhigtaa gurigaaga mid xor ka ah khatarta
dabka sida caws dheer iyo qashinba.
Golaha waxaa laga yaabaa inuu baabiiyo khatarta dabka adna aad kharashka bixiso.
Gubidda iyo waxyaalaha baxa
Si aad u yareyso diqowga hawada, laguuma ogola inaad isticmaasho baxa ama inaad wax ku
shido bannaanka hawada leh. Alaabta aan loo baahneyn waa in burburiyaa, sida caleenta ku
daadsan dhulka , dibna loo wershadeeyaa ama lagu ridaa biinasha qashinka.
Qalabka guriga ku xiran ee sheega dabka
Waa inaad hubisaa inaad leedahay qalabka dabka sheega oo shaqeynaya inuu ku xiran yahay
gurigaaga si haddii dab uu dhaco deganayaasha uu ugu digo iyadoo alaarmigu kacayo.
Waxaa wanaagsan in la bedelo bateriga lixdii biloodba mar, haddii aad sidaan sameyso bilowga iyo dhammaadka wakhtiga beekhaaminta iftiinka maalinta waa sahal in la xasuustaa.
Goynta cawska
Waxaad isticmaali kartaa mashiinka cawska lagu gooyo laga bilaabo 7 subaxnimo – 8
fiidnimo Isniinta ilaa Jimcaha iyo 9 subaxnimo ilaa 8 fiidnimo Sabtida iyo Axada iyo fasaxyada
dadweynaha.
Laamaha soo laadlaada
Dhirta ama geedaha yar yar ee soo laadlaada waxay noqon karaan khatar. Fadlan gaabi oo
gaarsii dhera\erka guriga iyo/ama dherer ku filan haka sareeyeen dhulka si loogu ogolaado
dadku inay hoos maraan.
Lambarada Guryaha
Goluhu wuxuu siiyaa lambar guri kasta.
Haddii aad leedahay ama aad degan tahay guri, waa inaad hubisaa in lambarka looga arkayo si sahal ah wadada.
Tani waa muhiim si haddii ay jirto arin gargaar degdeg ah, Boliiska, ambalaasta ama adeega dabku ay u awoodaan inay kuu helaan si dhakhsa ah.
Beekhaaminta tamarta
Beekhaaminta tamarta waxay kuu keydinaysaa lacag iyo waxaaba ka sii muhiimsan, waxay
yareynaysaa gaasaska waxyeeleeya jawigeena.
Halkan waxaa ku qoran qaar ka mid ah siyaabo sahlan oo lagu beekhaamin karo tamarta:
- Demi nalalka iyo qalabka markaan loo baahneyn.
- Isticmaal buluubyada nalka ee tamar si haboon u isticmaala.
- Isticmaal qalab leh Tamar beekhaamin fiican hubina in si sax ah loo rakibay.
- Ku qalaji dharkaaga xariga dharka meeshii aad ka isticmaali lahayd makiinada qalajisada.
- Isticmaal buuxiyayaal, meelaha dilaacsan buuxi iyo godadka, albaabada xir.
- Demi kuleyliyaha ama mukeyfka markaad guriga ka baxdo.
- Qubeyskaaga yaree isticmaalna madaxa tuubada qubeyska oo haboon.
- Ku dhaq dharkaaga biyo qabow.
- Isticmaal gaadiidka dadweynaha, fuul baaskiilkaaga ama lugee.