YAA BILAABAY IN LA XUSO VALENTINE'S DAY
Monday, February 14, 2011

Valentine wuxuu ahaa nin baadari ah oo talyaani ah oo ku caanbaxay inuu isku dhiso dadka fuqurada ah ee
kiristaankaa ama dadka waalidkood isku soo diidaan kadib markii uu sanado badan hawshaas ku jiray,Yurub inteeda badana uu caan ka noqday oo dadka kharashka guurka awoodi kari waaya ee diinta christmiska haysta ee yurub ku nool oo dhan isaga u tagi jireen si uu iskugu dhiso ayaa maalin bisha labaad 14 tahay 269 ciise kadib ayuu geeriyooday ninkan baadariga ahaa.Wixii dhimashadiisa ka danbeeyay si ninkaas loo sii xasuusto ayaa sanadkasta 14ka bisha February lagu maamuusay magaciisa Valentine oo la yidhi maalintaas waa xuska maalinta jacaylka hana loo bixiyoValentine's day.Hadaba iyadoo ay sidaas tahay miyay tahay wax haboon in qof diinta islaamka ku abtirsanaya ama ay dhab ka tahay uu xuso maalinta caynkan oo kale ah akhriste adi ayaan jawaabta kuu dhaafayaa balse waxa iga xasuusin ah in cid la xuso ilaahay ugu mudanyahay maamuustana ilaahay ayaabixiya waxana maamuusan uun qofka ilaahay maamuuso markas walaalayaal aynuilaaheena inbadan xusno. Wabilaahi tawfiiq
Tags:
ARTIKAL YAA BILAABAY IN LA XUSO VALENTINE'S DAY