
www.deercali.blogspot.com:-Gabdho badan waxay ka cabsadaan in timahooda quruxdoodu ay tagto ama
nafaqo beelaan, waxayna tamaniyaan in ay helaan habka ay ku soo celin
lahaayeen quruxdii timahooda. Laakiin gabadh walbaa waa in ay ogaataa
waxa timaha quruxda ka kaxeeya kana khariba timaha, hadii ay arimahaas
iska ilaalisana waxaa usoo noqonaysa quruxdii timahaheeda. creatine
Arimaha timaha xumeeya :
Kala badbadalka habka timaha loo shanleeyo.
Mar walba oo la midabeeyo timaha.
Jawiga � hawada � is badbadalkiida.
Sida khaldan ee loola dhaqmo timaha.
Isticmaalka qalabka qalajiya timaha wax badan.
Biyo kulul oo lagu dhaqo timaha.
Arimahaasi waxay u sababtaa timaha duciifnimo, waxayna yaraysaa quruxdii
iyo adkeyntii timaha. Hadaad tahay gabdhaha moodada la socda marwalba,
badalana timaha moodeelkooda iyo midabkooda, waxaa fiican inaad ka
fakarto dhawr jeer intaadan samayn, adoo ka eegaya dhinacyo kala duwan,
sida inuu dhib , daciifnimo iyo daadasho ukeeni karo timahaaga. Labo
kala dooro:
Inaad mar walba timahaaga badbadashid moodeelkooda iyo midabkoodaba oo
sidaa aad ku khasaartid timahaaga, iyo inaad timahaaga nafaqaysid oo aad
u hagaajisatid sida dabiiciga ah ee ayna ku jirin kiimiko dhib ukeeni
karta timaha.
Hadaad dooratay mida labaad waxaad qaadan kartaa nasteexoyinkan:
Waa inaad timaha si fiican u nafaqaysaa, oo aad cuntaa cuntada
protinka ka kooban maadada la yiraahdo kryatin � Creatine�, saas darteed
waxaa fiican inaad cunto hilib aan lahayn subag iyo kaluun, ukun ,
fuul, waxa laga sameeyay caanaha ee uu subagu ku yar yahay, lawska, iyo
faakahada ( furuut), sidaas ayeey iinsha Allaah dabeeciga quruxda
timahaagu ku ilaalismeysaa, caafimaadna ku siineysaa
Nadaafada timaha ilaali. Waxaad dhaqi kartaa timaha 3jeer wiigii,
shaambooga mar kaliya isticmaal wiigii, 2da jeer ee kalana biyo kaliya
ha ahaadaan, sababta oo ah isticmaalka badan ee shaambooga iyo biyaha
kulul uma fiicna timaha.
Waxaad timaha ku dhaqaysid ha ahaado nooc markiiba biyaha raacaya,
waayo noocayada qaar shaambooga kamid ahi, waxay qaadataa waqti dheer in
ay ka dhaqmaan, waxayna keentaa marmarka qaarkood in wax ku haraan,
adiga oo moodaya inaad ka dhaqday, taasina waxay ukeenaysaa timaha
qalayl badan iyo adayg.
Markaad isticmaashid shaambooga kaga dhaq timaha biyo yara qaboow,
oo aad ku dartay qaado ama malqacad ah �khalka tufaaxa�, sababta oo ah
isticmaalka badan ee shaambooga, waxay ukeentaa timaha dhibaato, markaad
isticmaashid biyaha qaboow iyo khalka tufaaxuna, waxay ka bi�in timaha
shaambooga kugu hadhay, waxayna ilaalin caafimaadka timaha.
Kahor intaadan isticmaalin qalajisada-timaha, waa inaad timaha kala
bixisaa si tartiib ah, waana inaad timaha ka yara fogeysaa
mashiinka-timaha, intaadan isticmaalin mashiinka-timahana, timaha mari
kareem, sababta oo ah kareemku wuxuu timaha ka ilaalinayaa kuleyka
badan.
Hamarsan saliida timaha markaad seexanaysid habeenkii, sababta oo ah
waxay daalisaa saliidu timaha guntooda , ee marso maalinimadii.