Nin Diyaarad hawada sare mareysa dukatay oo xabsbi lageliay kadib markii diyaaradii si dhaqsa ah ay ugu degatay garoonkii ugu dhawaa.
Saturday, November 10, 2012
 |
sholat |
www.deercali.blogspot.com:-Diyaarad kasoo duushay magaalada Denvort ee dalka Mareykanka kuna sii
jeeday xarunta mareykanka looga arimiyo ee Washington D.C. ayaa si lama
filaan ah ugu degatay garoonka calamiga ah ee Dulles kaas oo dhaca isla
Washington kadib markii ruux rakaabka kamid ahaa uu salaad ku dukaday
diyarada gudaheeda.
Duulimaadkaan oo nambarkiisu ahaa 662 ayaa waxa uu kudegay si nabad ah
13 daqiiqo kahor xilligii lagu waday in ay kudegato garoonkii ay kusii
jeeday.
Police ayaa ku xoomay diyaaradu marka ay soo caga dhigatay gegada
diyaaradaha waxa ayna si halhaleel ah uga soo dejiyeen ruuxii diyarada
ku dhex dukaday iyaga oo boosta kaanaha uga riday gaari ay wateen
boolisku .
Dhamaan dadkii duulimaadkaas lasocday ayaa loo ogolaaday in ay duulimaadkooda sii wataaan marka laga reebo ruuxiii dukanayay .
Ruuxaan salaadda u dhacay xillgii diyaradu duuleysay ayaa waxaa lagu
eedeeyay in uu ku dhaqaaqay fal argagax ku abuuray shacabka diyaarada
lasocday.
Tags:
dhacdooyinka