www.deercali.blogspot.com:-Antonia
Leticia Asti oo ah haweeney u dhalatay dalka Baraasiil ayaa waxa ay
dhashay laba caruur ah oo mataana ah iyada 61 sano jirta.
Haweeneydaan iyo seygeeda oo wax badan caruur hamuun u qabay ayaa waxa ay aad ugu farxeen caruurta ay heleen.
José César Asti, oo 55-sano jir ah waa aabaha caruurtaan mataanaha ah
waxa uuna sheegay in dhowr mar oo ay isku dayeen in ay bacrimin
sameeyaan ay guul dareesteen, hasa yeeshe ay Allah mahadii ay tahay in
ay riyadoodii gaareen oo markaan ay waalidiin yihiin.
Mataanahaan oo ah gabar iyo wiil waxaa lookala bixiyay Sofia iyo
Roberto, waxaana lasheegay in Isbitaalkii lagu dhalay oo lagu magacaabo
Sao Lucas Hospital kuna yaalla Santos ay kujiri doonaan ilaa
daqaatiirtu ay ku amrayaan In labixi karo.