|
islam |
www.deercali.blogspot.com:- MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCW
Waxay dacwadii islaamku qarsoodi ku socotaba markii saddex sano la marayo ayaa Allaah Rasuulkiisa SCW amray inuu dacwadiisa muujiyo ummaddana uga digo cadaabka Alle waxaana ka mid ahaa aayadihii soo degay waqtigaas aayaddan.
Wuxuu Allah SW yiri: (U DIG QARAABADAADA KUU SII DHAW). (Suuratu-Shucaraa:214).
Rasuulka SCW markay aayaddani soo degtay wuxuu fuulay buurta Safa wuxuuna yiri: “Waa saabaxaa (waa wareey)”, markaas ayaa dadki Makka joogay oo dhan ay soo yaaceen oo meeshii yimaadeen qofkii imaan kari waayeyna qof ayuu soo dirsaday oo ku yiri: “soo eeg wuxuu yahay”.
Markii meeshii la iskugu yimid ayuu Rasuulka SCW yiri: “ka warrama haddaan idin iraahdo toggaan fardo duullaan idinku ah ayaa soo maraya ma rumaynaysaan”, markaasey dheheen “haa been kuguma aannaan baran”, markaasuu yiri Rasuulka SCW “waxaan idinkaga digayaa cadaab daran oo idinka horreeya”, Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu u yeeray qabiil walba oo qureysh ka mid ah illaa uu ka soo gaarey qabiilkiisii oo uu isna reer ugu sii dhawaaqay ilaa uu kasoo gaaray gabadhiisii Faadumo ahayd oo uu ku yiri “faaduma bintu Maxammedey naftaada ka badbaadi naar anigu Allaah ayaan ku dhaartaye inaanan Alle waxba kaaga tarayn”.
Sidoo kale muslim waxa uu wariyay in markii ay aayaddaani soo dagtay uu Rasuulku si guud iyo si khaas ahba ugu yeeray (quraysh) wuxuuna yiri qurayshey ka badbaadiya naftiina naar reer baniii kacabow ka badbaadiya naftiina naar. Arrintaas dadkii qureysheed way ka caraysiisey waxayna kicisey buuq magaaladii oo dhanna waa la isla dhex maray. Adeerkiis Abii-lahab oo ka mid ahaa dadkii meesha isugu yimid wuxuu Rasuulka SCW ku yiri: “halaag ha kuu sugnaado maalinta inta ka hartaye ma waxaan baad noo soo kulmisay”.
Allaah ayaa u jawabey oo ku soo dejiyey Suuratu Tabbad.Wuxuuna Allaah ugu bishaareeyey ninkaas iyo xaaskiisa cadaab daran maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa iyo dintiisa ayey la colleytameen. Ka dib Allaah wuxuu soo dejiyey aayadan.
Wuxuu Allaah SW yiri: (Muuji waxa lagu amrayo, Isagana jeedso Mushrikiinta). (Suuratul-Xijri:94)
Aayaddan waxa uu Allaah Rasuulka ku amray inuu muujiyo xaqa, gaaladana ka jeesto, Rasuulkuna SCW waa uu u qumay meel walbana waxa uu ka caddeeyey shirkiga iyo khuraafaadka ay ku jiraan iyo xumaatada ay asnamtu leedahay iyo iney Allah keliya waxidaan oo Ilaahnim u qiraan.
Odeyaashii qureysheed markey arkeen Maxammed SCW iyo diinta cusub ee uu la yimid iyo inuu khilaafay diintoodii iyo ilaahyadoodii kuna sheegay iney yihiin baadi ayeye olole qaadeen si ay dacwadaas iyo nuurkaas Alle u damin lahaayeen, baaddilka iyo xumaatada ay ku jiraanna u difaaci lahaayeen.
Odeyaashii qureysheed tallaabooyinkii ay qaadeen waxaa ka mid ahaa in qaar ka mid ah ay u tageen Abii-dhaalib kuna dheheen “Abii-dhaaliboy, wiilka aad adeerka u tahay ilaahyadadii ayuu caayey, diintayadiina wuu ceebeeyey, waxgaradkayagiina wuxuu ka dhigey maangaab, aabbayaashayona wuu baadiyeeyey, marka ama naga qabo ama isku kaaya daa, adiguna annagaad nala mabda’ tahay oo waad is khilaafsan tihiin makra aan kaa kaafino’. Abii-dhaalib wuxuu ugu jawaabay hadal jilicsan”, odeyaashina wa laabteen.
Rasuulku SCW isagu waxaas uma jixinjixin dhegna jalaq uma siin wuxuuna gudayey dacwadiisii, maxaa yeelay cid aan Ilaahey aheyn oo uu maqlayaa ma jirto meel walbuuna xaqii kala istaagey. Odeyaashii qureysheed markii ay arkeen in tallaabadii hore ay waxba ku socon waayeen uuna soo dhowaadey waqtigii xajka, waxay bilaabeeen tallaabo kale waxayna isugu yimaadeen shir ay uga hortegayeen Nabiyullaah Maxammed SCW inuusan dacwada gaarsiin dadkaas tirada badan ee xajka u imaanaya waxayna u tageen nin duqowdoodii ka mid ah o la oran jirey Waliid ibnu Muqiira inuu keeno arrinkii Maxammed dadka looga ceyrin lahaa. Waliid wuxuu yiri: “hal arrin isku raaca hana is khilaafinina si aan qarkiin qaarka kale u beenin, si aysan dadku idiin fahmin, maxaa yeelay hadday qaarkiin dhahaan waa saaxir, qaarna dhahaan waa waalan yahay dadku way idin fahmayaan”, markaasey dheheen adigu noo go’aami (middii aan isku raaci lahayn) wuxuu yiri: “bal idinku wax keena waan idin dhegaysanayaaye”, odeyaashii ayaa warkii bilaabey oo yiri: “waa wax sheege (kaahin)”, Waliid wuxuu yir: “Ilaah baan kudhaartaye ma aha kaahin, waana naqaannaa kuhannada iyo wax sheeggooda”, waxay dheheen aan dhahno waa waalan yahay” wuxuu yiri “ma waalna, waana naqaannaa waallida iyo isku dhexyaaceeda” waxay dheheen aan dhahno waa saaxir” wuxuu yiri “ma aha saaxir, waana naqaannaa sixirleyda iyo sixirkooda”, waxay dheheen aan dhahno waa gabyaa” wuxuu yiri “maaha gabyaa, waana naqaanna gabayga qeybihiisa oo dhan”, waxay dheheen “maxaan marka dhahnaa”, wuxuu yiri “hadalkiisu waa macaan yahay, wax kastoo aad tiraahdaanna wa la fahmeyaa inaaan waxba ka jirin ee bal muddo i siiya waan ka soo fekerayaaye’, muddadii ka dib ayuu soo laabtay wuxuna yiri “saaxir baa ugu whow”, taas ayaa markaas la go’aansaday oo la isku raacey. Ninkaas fekerkiisaasna waxa ka hadashey Suuratul-mudathir laga bilaabo aayaddaa 11 ilaa 30.
Ka dib markii go’aankii Waliid la isku raacey waxay bilaabeen sidii ay ku dhaqan gelin lahaayeen waxayna isku qeybiyeen waddooyinkii Makka soo gelayeye si qof walba oo soo mara ay ugu digaan arrinta uu wata Nabiga SCW iyagoo ku sheegaya saaxir. Sidoo kale waxay ka hadlayeen meelihii ay dadka xujeda ihi isugu imaanayey. Dadkii arrimahas aadka uga qeyb qaateyna waxaa ka mid ahaa Abii-lahab oo Nabiga scw adeerkiis ahaa wuxuuna samaynayey ninkaasi intuu Nebiga SCW daba galo ayuu cid kastoo Nabiga SCW u tago oo xaqa gaarsiiyo isagoo ka daba hadlaya ku lahaa “ha u rumeynina waa beenlowe, diintiisii buu ka iishee”, qureyshna jidadkii Makka iyo meel walba intey tagaan ayey lahayeen ‘iska jira waa saaxir dadkii kala geeyaye” laakiin arrintoodaasi waxay noqotay dacwo oo dad badan oo aan ogeyn Nabi Maxammed SCW dacwada uu wato ayaa ogaadey, cidohoodiina gaarsiiyey Nabiga cusub oo soo baxay.
Qureysh weli ma gaarin iney gacan ula tagaan Nabiga SCWiyo dadkii raacsanaa laakiin waxay ku jireen dacaayad iyo jeesjees iyo in dadka lagu diro oo la yiraahdo iska jira. Sidoo kale waxay mararka qaarkood Rasuulka SCW u soo bandhigayeen fikrado ay ku leeyihiin Ilaahaaga iyo diintaada qaar ka soo tanaasul oo ka soo dabac annaguna qaar baan ka tanaasuleynaaye.
Waxay kaloo sameynayeen iney Rasuulka SCW rag u soo diraan oo dhahaan “haddaad madaxtinnimo rabto madax baan kaa dhiganeynaa, haddaad maal rabto waan kuu ururineynaa ilaa aad noqoto kan noogu taajirsan, haddaad jirran tahay maalkayaga ayaannu kugu bixineynaa ilaa aad ka caafimaaddo, haddaad gabar rabto gabdhaha qureysheed tan ugu quruxda badan ayaannu ku siineynaa” hase yeeshee arrimahaas oo dhan lagama yeelin.
Ka dib markey arkeen in Nabiyullaahi Maxammed SCW diintiisa iyo dacwadiisa marna ka tanaasuleyn, shirkigooda iyo khuraafaadkoodana uusan ka aamuseyn ayey waxay aad u kordhiyeen dacaayadohoodii kala duwanaa maxaa yeelay Rasuulka SCW gacan ulama aysan tegi karin oo Abii-dhaalib ayey uga baqaayeen. Dacaayadohoodu waxay u qeybsanaayeen dhowr qeybood oo kala ahaa:
1) Rasuulka oo ay ku jeesjeesaan, xaqiraan, caayaan, ku oriyaan, wax kastana dhahaan. Arrimahaasna Allah isagoo tilmaamaya wuxuu ku soo dejiyey aayado kala duwan, waxaana ka mid ah:
((WAXAY DHEHEEN KAN QUR’AANKA LAGU SOO DAJINAYOW ADIGU WAAD WAALAN TAHAY)), (Suuratul-Xijir:6)
Sidoo kale Allaah isagoo inooga warramaya markay muslimiinta ku jeesjeesayaan wuxuu yir:
((KUWII DAMBAABAY WAXA AY AHAAYEEN KUWA KU QOSLA KUWII XAQA RUMEEYEY, HADDAY SOO MARAANA WAY IS QANJARUUFAN JIREEN, MARKAY EHELKOODA U LAABTAANA WAXAY AY LAABAN JIREEN IYAGOO (MUSLKIMIINTA) KU RAAXAYSANAYA, MARKAY MUMINIINTA ARKAANA WAXAY DHAHAAN WAA BAADIYEYSAN YIHIIN, LOOMANA DIRIN IYAGA IN AY (MUSLIMIINTA) ILAALIYAAN))
2. Waxaa ka mid ahaa dacaayadihii iyo been abuurashadii ay Rasuulka iyo qur’aanka ka fidin jireen iney dhahaan “waa been uu abuurtey ama dad kale ayaa soo baray” arrintaasna Allaah oo tilmaamaya wuxuu yiri:
3. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dacaayadihii ay qur’aanka iyo Rasuulka SCW kula dagaallami jireen iyagoo raba iney dadka u tusiyaan inuu Nabigu SCW wato sheekooyinkii ummadihii hore laga soo guuriyey in nin la oran jirey Nadir binu Xaarith uu aadey Faaris uuna soo bartey taariikhdii boqorradii Faaris ka dibna uu Makka ku soo laabtey, wuxuuna ninkaaas samayn jirey markii Rasuulka SCW meel ka istaago oo dadka dacwada gaarsiyo ayuu ka daba hadli jirey oo keeni jirey sheekooyinkaas dhihina jirey “Maxammed igama sheeko qurxoona”.
Qureysh markey arkeen ineysan nooc walba oo dacaayad iyo xumaan ah waxba ku qaadi karin ayey waxay bilaabeen wada hadallo ay rabaan iney isugu soo dhowaadaan iyaga iyo Nabiga SCW oo isna xoogaa soo dabco iskana daayo diinta uu ku adag yahay iyana iiney tooda ka soo dabcaan oo meel dhexe la isugu yimaaddo waxna la wada qeybsado. Hase yeeshee Allaah subxaanahu watacaalaa oo had iyo jeer Rasuulka SCW tarbiyeynayey ayaa soo dejiyey aayado uu ku tilmaamayo inaan xaqa iyo baadilku wax wada qeybsan karin iyo inaan xaqu marna tanaasul oggoleyn.
Wuxuu yiri Allaah: ((WAXAAD DHAHDAA GAALOOY, MA CAABUDAYO WAXAAD CAABUDAYSAAN, IDINNA MA CAABUDAYSAAN CIDDA AAN CAABUDAYO, MANA CAABUDIN WAXAAD CAABUDEEN, IDINKUNA MA CAABUDAYSAAN CIDDAAN CAABUDAYO, DIINTIINAAD LEEDIHIIN ANNA DIINTAYDAAN LEEYAHAY)), (Suuratul-Kaafiruun).
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waxyaalahay Rasuulka SCW u soo bandhigi jireen oo ay rabeen in la isugu soo dhowaado in qaar odeyaashoodii ka mid ahaa ay Rasuulka SCWu soo jeediyeen in ilaahiisana sannad la caabudo, kuwoodana sannad la caabudo hase yeeshee Allaah ayaa soo dejiyey jawaabtii loogu jawaabi lahaa ehlu-baadilka.
Wuxuuna yiri: ((WAXAY JECELYIHIIN IN AAD U SOO DABACDO OO AY SOO DABCAAN)), (Suuratu-Qalam: 9)
Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dacwadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii raacayeyna ay marba marka ka dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka mid ahaa odeyaashii qureysheed waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab, waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo asxaabtiisa lagula dhaqmi lahaa. Abii-lahab iyo ragiisii waxay soo go’aamiyeen in dadka Maxammed raacey gacan loola tago oo la ciqaabo. Dhibkii gacanta ayaana halkaas ka bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu geystey Nabiga SCW iyo asxaabtiisa haba u sii darnaadeen dadkii masaakiinta ahaa ee qabiilka yar ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay sida Bilaal, Suheyb iyo reer aala Yuusir iwm. Nabiga SCW isaga dhib badan oo loo geysan lahaa waxaa looga baqayeey adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka laftooda oo uu sumcad weyn ku lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula tago, hasa yeeshee sidaas oo ay tahay haddana dhib wayn ayaa ku dhacayey.
Dadkii dhibka Nabiga SCW ugu darnaa waxaa ka mid ahaa adeerkiis Abii-lahab oo aan soo marnay dadka kulmiyey Rasuulka SCW inuuku yiri “halaag ha kuu sugnaadee ma waxan baad noo soo kulmisey”. Sidoo kale laba wiil oo uu Abii-lahab dhalay lana kala oran jirey Cutba iyo Cuteybaa waxay kala qabeen laba gabdhood oo Nabiga SCW uu dhalay kuwaas oo kala ahaa Ruqiya iyo Ummu-kalthum sidaan soo sheegnayba Abii-lahab oo Nabiga SCW ku colaadinaya wuxuu amray labadiisii wiil inay gabdhaha Rasuulka scw furaan, iyaguna way ka yeeleen. Waxaa kale oo ay siiradu werisey in markuu dhintey wiilkii Nabiga SCW ee Cabdullaahi ahaa uu Abii-lahab u tegay odeyaal qureysheed oo meel fadhiya kuna yiri: “bishaareysta Maxammed wiilkii ayaa ka dhintey oo waa abtar (gablan)”.
Dhibkaas Abii-lahab keligiis ma maamuli jirin ee reerkiisa oo dhan ayaa ka qeyb qaadan jirey oo sida la ogsoon yahay haweentii Abii-lahab oo la oran jirey Ummu Jamiil binu Xarbin waxay ahayd mid qodxaha dhigta dariiqa Rasuulka SCW isla markaasna aflagaaddo u geysata Nabiga SCW. Ummu Jamiil waxa ahayd haeen aad u carrab dheer oo dhib badan, markii ay soo degtay suuratu Lahab oo ilaahay iyada iyo ninkeeda cadaab ugu bishaareeyay, dhagax ayaey soo qaadatey waxayna u timid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo kacbada wada fadhiya iyadoo rabta iney dhagaxa Rasuulka SCW ku dhufato.
Hase yeeshee Ilaahay wuu ka indha saabay Rasuulka SCW oo Abuubakar keliya ayey indheheedu qabteen markaas ayey ku tiri: “meeyey Maxammed waatuu hadda kula fadhiyaye, waana maqlay inuu i caayey ee haddaan arki lahaa dhagaxan ayaan ku dhufan lahaa”, intaas keliya kuma harine waxay tirisay gabay yar oo leedahay “Mudamamaan waan caasinney amarkiisana waan diidney diintiisana waan nacney”.
mudamaman waxay ula jeeday Maxammed oo ay si khalad ah ugu dhawaaqaysay Allaah ayaana ka dhawray magaca Rasuulka caydeedii; Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya sida Alle uga dhawray cayda nacaladda qureysh waxay caayayaan oo nacaladayaan mudamam maxamed ayaan ahay.
Sidoo kale dadkii Rasuulka aad u dhibi jirey waxaa ka mid ahaa Xakam ibnu Abil-Caas, Cuqba ibnu abii Muceydh, Cadiyyi ibnu Xamraa iyo kuwo kale. Dadkaasi waxay Rasuulka SCW ku dhibi jireen xitaa gurigiisa; maxaa yeelay qaar ka mid ah ayaa Rasuulka SCW deris la ahaa. Ibnu Isxaaq wuxuu weriyey Xakam ibnu Abil-Caas maahane intoodii kale inaan midna ka islaamin. waxaana ugu xumaa Cuqba ibnu Muceydh.
Waxa uu Bukhaari ka werirey Cabdullaahi ibnu Mascuud in maalin odeyaashii qureysh oo Abii Jahal madax u yahay kacbdana fadhiya ay arkeen Nabiga SCW oo kacbada ku tukanaya. Markaasay dheheen “yaa noo keenaya mandheerta geela reer hebel oo Maxammed markuu sujuudo dhabarka ka saaraya”, waxaa si halhaleel ah u boodey Cuqba ibnu abii Muceydh, mandheertii ayuu keenay markaasuu sugey ilaa uu Rasuulka SCW ka sujuuday. Markuu Rasuulku SCW wejiga dhulka la helya ayuu garbaha ka saarey mandheertii. Abii-jahal iyo raggiisii markey arkeen qosol ayey iskula daateen, Rasuulkuna SCW sujuuddiisii ayuu iska sii watay.
Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri: “arrinkaas waan u jeeday hase yeeshee far ma dhaqaajin karin”, sidaa darteed waxaa timid Nabiga SCW gabadhiisii Faadumo oo k qaadday mandheertii iyagiina cayday. Rasuulka SCW markuu salaaddii dhammaystey ayuu Ilaahay baryey oo yiri saddex jeer “Allow qureysh qabo”, dabadeedna mid mid ayuu u magacaabay raggii goobta joogay yiri: “Allow qabo Abii-Jahal.
Cutba ibnu abii Rabbiica, Sheyba ibnu abii Rabbiica, Waliid ibnu Cutba, Ummaya binu Khalaf, Cuqba ibnu abii Muceydh”, markaasey naxeen maxaa yeelay waxay rumeysnaayeeen ducada xaramku ay mustajaabo tahay.
Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri “waxay ahaayeen toddoba, waxaana arkay toddobadoodii oo goobtii Badar la dhigay oo lagu guray ceelkii lagu gurayey meydkii gaalada”, Cuqba ibnu Abii Muceydh (oo asna ka mid ahaa dadkii bader lagu qafaashey oo dhex lagu dilay) maahane. Sidoo kale waxaa Muslim weriyey in maalin Abuu-Jahal dadkii ku yiri “weli ma dhexdiinnaa Maxammed wejigiisa ciidda ku camcaminayaa” markaasey dheheen “haa”, wuxuu yir “Laata iyo Cussa ayaan ku dhaartaye haddaan arko isagoo wejiga dhlka ku camcaminaya inaan qoorta uga istaagayaa oo wejigiisa si fiican u booreynayaa”.
Maalin dambe ayuu markaa arkay Nabiga SCW oo kutanaya, markaasuu ku soo dhaqaaqay si uu go’aankiisii u fuliyo, markuu ku dhaqaaqay ayaa dadkii arkeen isagoo gadaal gadaal u soo bodey oo gacmaha taagaya. Markaasay dheheen: “maxaa kugu dhacay”, wuxuu yiri “god naar ah ayaa dhexdayada ka samaysmay”. Nabiga SCW markii arrintaa la weydiiyey wuxuu yiri “haddii uu ii soo dhowaan lahaa malaa’igta yaa xubin xubin u kala dafi lahayd”.
Allaahna isagoo ninkaas ficilkiisa tilmaamaya waxa uu qur’aankiisa ku yiri: ((ARRINKU SAAS MA AHANE DADKU (GAALADU) WAA XAD GUDBEEN, MARKUU ISKU ARKAY (GAALKANI) QANINIMO, RABBIGAA XAGIISAASE LOO NOQON, KA WARRAN MIDKA KA REEBAYA ADDOON (RABBIGIIS) U TUKANAYA, KA WARRAN HADDUU HANUUN KU SUGAN YAHAY (KAN LAGA REEBAYO) AMA UU AMRAYO TAQWO, KA WARRAN HADDUU (KAN WAX REEBAYAA UU ALLE) BEENIYEY OO KA JEESTAY (XAQII), MA WUUXAN OGAYN IN ALLE ARKAYO)), (Suuratul-Calaaq: 6-14)
Ka dib Abii-Jahal waxa uu yimid Rasuulka SCWwuxuuna ku yiri: “ma waanan kaa reebin arrinkaan? markaasaa Rasuulka SCW si adag ula hadlay isagan dhaqaaqay markaasuu Abii-Jahal ku yiri Nabiga: “waad ogtahay inaysan jirin cid iga gurmad badan: Allaah ayaa ninkaas u jawaabay waxa uuna qur’aankiisa ku yir:
((ARRINKU SAAS MA AHANE HADDUUUSAN JOOGIN WAXAANNU QABAN FOODDA, FOOD BEENTEEY AH OO GAF BADAN, HA U YEERTO (MARKAAS) GARGAARIHIISA, WAXAANUNA (UGU) YEERIN MALAA’IKTA SABAANIYA, ARRINKU SAAS MA AHANE HE MAQLIN (RABBIGAANA U) SUJUUD UNA DHAWOW)), (Suuratul-Claaq: 15-19).
Rasuulka SCW markii ay quraysh beenisay oo ay aad ula colaytantay si xunna ula dhaqantay Ayuu Ilaahay uga baryay in uu abaar ku rido wuxuuna yiri: “Allahayow iigu kaalmee in toddoba (sano oo abaar ah) oo toddobadii (nabi) Yuusuf oo kale ah ay dushooda ahaato: Alle waa uu ka aqbalay Nabigiisa baryadii wuxuuna quraysh ku riday abaar, markii abaartii haleeshay oo ay hal sano hasyay oo ay cirkii waxaan qiic iyo hunri ahayn ka waayeen aadna u rafaadeen ilaa ay bakhtiga ayo hargaha ka cuneen, ayaa Abii Sufyaan Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri: “waxaad amraysaa hoggaansamidda Alle iyo in riximka la xiriiriyo, tolkaana way halaagsamayaan marka Alle u bar”.
Waxayna sheegeen (Quraysh) in haddii Alle ka qaado (abaarta) ay mu’miniiin noqonayaan markaasaa Rasuulka SCW Alle u baryey Allena waa ka aqbalay oo Quraysh dhibkii waa ka feydey, hase yeeshee kufrigoodii iyo gaalnimadoodii ayey sii wateen, ballantiina way ka baxeen. Allen isagoo arrinkaas tilmaamaya waxa uu yiri:
((SUG MAALINTA CIRKA LA IMAAN QIIQ CAD, OO DABOOLAYA DADKA KAASOO AH CADAAB DARAN, (WAXAY DHEHEEN) RABBIYOW NAGA FAYD CADAABKA WAXAAN NAHAY MUMINIINE, GOORMAY WAANTOOBIN, WAXA U YIMID RASUUL AY (RASUULNIMADIISU) CADDAHAY, MARKAASAY KA JEESTEEN ISAGII AYNA DHEHEEN WAA WAX LABBARE WAALAN)), (Suuratu-Dukhaan: 10-14)
La soco qaybta danbe