Ku caashaqaye maxan ku calfan wayey Qeybtii shanaad (5)
Labo qof ayaa is calfaday, qofbaa wayey jaceyl kiisi, waana habeen murugo ay hareraysay nolashayda ayado sababtay in aan xakameen wayey naftayda waxan xasuusta halmado afkayga ka soo baxay waxana ka mid ahaa Farxiyaay xafududaan, nafbaa ku jecel, xoolo ha idhaafsan, lakise waan ku guuldareystay in ay habeenkaas wax ila qabato, waxana ka yeerayey kalmado aan laheyn naxariis iyo in ay ugaraabto jaceyl.
kayga waxana ka mid ahaa kansala arooska, iyo cay aad utiro badan aan jecleen in aan soo bandhigo, si aan sharaf laheyn ayaa kuleetiga layga soo qabtay wiliba anigoo lay dharbaxaynayo markii lay adeegsaday Rag xoog badan oo Kenyanti ah waxaana isoo garay daqar isha badib ilaa iyo hadda aan ku leeyahay, waxaan imid wadada ween ee islii gawarideeda ay maraan balse nasiib xumo waan wayey lacag aan ku raaco maxa yeelay markii hore ayaa layga jeebtuugay boorsadii lacagta iyo card ka studentiga.Waxan ku qasbanaday in aan ulugeeyo xaafadaan daganaa, intaan jidka u dhaxeeya hall ka arooska iyo gurigayga waxan la kulmay tuugo kuwaas oo ibaartay kadib markii ay iga wayeen lacag iyo mobile igaraacay, waxan imid gurigaan daganaa anigoo aad iyo aad uliita,igana muuqdaan daqaro shaydaan ku dil ah, habeenkaas waan siixan wayey xitaa jiifkii ayaa i dhibay waayo jirka ayaa idaqnanaya waxan ku qasbanaaday ilaa uu waga ka baryayo in aan iska fariisto, habeenkaas waxan xasuusta saxib kay sheekadiisa iyo anigoo inta badan oga sheekaynaya guuldara ku yimid jaceyl kaygii, iyo in ay isjeclaan karin gabar.
raadinaysa jaanis iyo lacag iyo wiil iska faqiir ah, saxib kay halmado kaftan ah ayuu inta badan igu soo cel celinayey balse xagayga waxan uqaatay in ay ahayeen kuwa dhiiro galin igu sababay, sxb kay waxa uu iyiri waxad tahay Faqiir ama sabool marka gabar Reerood maxay kugu falaysaa war nin yahow isku yax yax oo dhibtaan aad ku jirtid iska daah gabadhaan ee nolashaan ayaan labadeena ku hareeraysanahnay ee sidaydo kale ha fakarin.
intaan oga jawaabin ayaan ku iri sxb macaan waxan la seexan wayey kaar qoftaan jeclaana hada waxa ay ku jirtaa nolol teedi hore ka gadisan marka hore waxa ay heshay guri ay leedahay ayadu, waxa ay heshay wiil lacag wata caawana waa habeen uga duwan habeenada kale oo wey raaxaysanaysaa laakinse aniga xitaa jirkii ayaa i daqnanaya xanuunka iyo kaarkana waa mid isii dheer.
saxibow hadii aan kaga jawaabo Faqiir ayaa tahay, run ahaanti waan ahay faqiir, balse Raganimo iyo in aan ahay dhalinyaro ayaan ku faraxsanahay hadii aan sii nolado waan ka baxayaa, balse caaway sheekadaada wey ii baxaysaa waayo waxad ka wada sxb kaa xifalee balse aniga waxan ku arkaa in aan arkay wado inta badan iga xir xirnayd in aad iifurtay waxana go aan ku gaaray in aan hilmaamo magaca Farxiyo lakinse aan sameeyo labo arin mid waa wax barasho midna waa in aan lacag tabcada, Rabina aan tawakalaa, Rabi wuxu yiri INA LAAHUMACASABIRIIN kuwa samra ayaan xagooda ahay.
Waga markii uu baryey waxaan aday Maqaxidii aan ka sheqeen jiray balse nasiib xumo waxan wayey shaqadaydii waayo dodoba maalin ayaan aadin waxana la aadi wayey fakarka iyo jaceylkii ay igu abuurtay Farxiyo balse ay igu reebtay nimcaan, waxan soo laabtay anigoo shaqo la aan ila soo daristay, intaan gurigaan dagana aan usocday gabigayga waxa isaaqay Fakar iyo in aan faraha taag taago,.
wadada Gaariso oo lugu yaqaano in ay tahay wado gawaari badan anigana ay iga tan badisay fakarka waxan damcay in aan wadada gooyo balse gaari ay wadato gabar yar oo aan is iri waxa ay ka timid dibada ayaa si kadis ah igu soo gashay balse waxan ka war helay sacado kadib anigo jiifa isbitaal ku yaala xaafada islii, nasiib wanaag madaxa ayaa iga soo garay daqaro, gacanta bidixna way ijabtay, sidoo kale kursi ay ku fadhiyaan gabadh iyo maamo ayaan arkay iyo oday aan isku ehel nahnay oo leh lacag oo lugu magacaabo Sheekh Sharmarke Yusuf Ahmed, odaygii ayaa ila hadlay oo igu yiri .
Maamadaan waxa ay dhashay Gabadhaan waa gabadhii gariga shilka kula gashay aniga waxan ahay oday adeer kaa ah oo lugu magacabo Shiikh Sharmare yusuf ahmed marka maamadana waa Sahro ayaa la dhahaa gabadhana hodan ayaa la dhahaa dhibta kusoo gadhayna waa ay sahlan tahay waxaan ahayn gacanta ku jabtay mahane ee adiga iska waran hadda maxa dareemaysaa.
Horta adeer waad mahadsantahay wax ku gaarayana waa wax adiga kaa ween, waxan ku hamdi naqayaa Rabiga ii saqiray Gabadhaana qaladka ayadu malahayn oo aniga ayaa lahaa waayo sakay ayaan shaqo aan ka shaqeen jiray oo ah maqaaxi aan aday balse waan soo wayey waxan sababay dodoba casho oo arin ay ila soo daristay ayaan ku wayey shaqadii ay ku xirneed nolol maal meedkayga sidaas awgeed waad garan kartaa xafadaan islii shaqo si sahlan loogama helo waxan ka fakarayey shaqo in aan heli doono iyo in kale balse waxan ogaa in aan galay shil kabacdina waan miyir beelay sidas awgeed hada waan bixi karaa oo waan fiicnahay Reerkana waxan u haysto majiraan.
Maamada iyo godaygii ayaa is raacay waxa ay u dhaqaaqeen dhanka rasibshinka ee istibalka si ay usoo baxshan lacagta laygu leeyahay inta ay iga maqnayeen ayaan is wareysanay waxa ay iweydiisay Magacayga, waxan ku iri waxa lay dhahaa Mohamed waayo magaca Hanad waxan u hibeeyey qoftaan jeclaa iyo jaceyl kaygii waxan rabaa in aan isbadal ku sameyo nolashayda magacaas waxan iska kansal gareeyey, waayo waxan soo xasuusanaya codki macana oo inta badan aan iska xakameen wayey waxan ku iri adigana, waxa ay igu tiri waxa lay dhahaa.
Hodan Yusuf waxana ka imid Yurub waan ka xumahay shilkii gariga waayo wadadana way igu cusbeed kala keeshin aan xakameen wayey isteerinkiina waa uu igu yimid balse waxan la gafeen waa qadarka in aad gashid shilkaan oo dhawacaan ku soo garo ayaa idmaneed marka waan ka xumahay walaal kiis halkaana waxan u nimid waan kasoo guurnay oo Nairobi ayaan soo dagnay, intaas kadib odaygii iyo waxaa soo laamtay mamadii odaygi ayaa iweydiiyey yaad la nooshahay adiga aniga waqti hore ayaa soomaaliya igu dabaysay waqtigaasna.
Abahaa baadiye ayuu dagana moddo laga joogo afartan sanoHaa adeer wili waxa uu dagan yahay baadiye isagoo xoolihii ay ka dhamadeen, intana waxan i imid responsor balse waan ku dhacay oo nasib ayaan u yeelan wayey, waxan la daganahay wiil aan saxibo nahnay cid sidaas ah oo aan aqaano majiraan, intas kadib odaygii ayaa igu yiri aniga ayaa ila dagaysaa ina raacaysaa, maamadi iyo gabadhiina waxa ay ku raceen odayga fikirkiisa, anigana kama aan diidin, waxan soo galay guri ween oo ah (palace) wax aan ku qiyaaso magaran karo ,
waxa uu iifuray qol kamid ah qololkiisa guriga aad iyo aad ayuu u camirnaa balse waxan arkay in ay nolashayda ay ku timid isbadal balse ma aan aminin taas waxana sababay aamin la aan ayaan arkay iyo nolol ku bidhaanta oo riyo kadib noqota, guriga waxa dhex yaalay sariir qurux badan oo ween nasib xumo waligay kuma aan seexan sariir, muraayado waween oo lugu labisto balse waligay iskuma mushquulin markii aan labisanayo, TV ween ayaa yala balse waligay madaawan mana aqaani sida loo daro ama looshido, balse waxaan lasoo baxay dabecadihii asal ahaan ay nugu xaman jiren oo waan daadiyey wax kasta anigoo markaas adeegsanaya maskax, TV ga waxan isku baray markii aan seexanayo ayaan qor qorsheeya kadibna marki an si qaldan taabto botoonka qeelada waxan farta galiyaa mesha laga daaro ama loga damiyo si aan udimiyo.
Hodan iyo guriga odayga waa ay isku dhowyihiin, waaga markii uu baryo waxa ii timaada hodan, oo ah gabar fur furan oo qosol badan markii ay hadlayso ahna gabar wax ka soo baratay dibada, waxa ay jeclaatay in ay wax ka ogaato nolashayda balse ma aan rabin in aan ogado dhawicii jaceyl kayga hayeshee waan ku qasbana waayo hodan waxa ay ahed gabar inta badan igu dadaasho in aan buskoodo cidladana iga ilaalisa.
Hodanay Hadii aan kaga falodo Nolashayda waxan ka imid Soomaaliya qaasatan Baadiyaheeda, waxan ka dhashay reer dagan baadiyaha nolashoodana ku tiirsantahay Xoolaha miiga waxan aheyd Reero Sabool nimo ay curyaamisay balse farxad ku nool, 2000 abahey waxa la soo hadashay wiil uu abti u yahay una sheegay in cidda wiil laga dhoofinayo taasna waxa ay keentay ciddayada in ay aniga ii doortaan in aan dibada u aado, waxan ku fakarayey in aan nolasha isbadal ku sameeyo, 2001 bishii 11 ayaan ku xarooday airport ka balse saacado kadib waxa baaqday dulimaadkii aan ku tagi lahaa Mareekan waxana sababay qarixi weynaa ee ka dhacay washiton iyo New york sanad ka dib waxan soo qaatay dhicitaan warqad ay ku qoran tahay,.
waxan arkay in wax isbadal ah aysan ku imaan doonin nolashayda waxan ila soo gudboonatay Rajo xumo, balse wiilka ay dhashay Eedaday ayaan ka codsaday in aan wax barto, waxan dhigtaa hada College ku yaala Down town ka waxana diyaarshaa Computer Science lakise lacagta guriga waxan ku dabaraa Maqaaxidi aan ka sheqeen jiray mushaarka aan ka qaato lacagta wiilkana waxa ku aadi jiray college ka, Malin ay nolashayda farxad iyo bidhaan wanaagsan ay heshay balse waa gabar aan ku nasbeyey in ay ka hartay Qooskii Madaxa adkaa ee Reer Abi lahab,.
waxa ay igu abuurtay jaceyl, waxa ay ku soo gaba gabeysay jaceyl kaygii Murugo iyo Rafaad in modo ah iheystay balse waqtigii aan galay shilka ayaan go aan ka gaaray in aan qoftaas dib dabe aan u xasuusan xitaa magacayga Runtaa waa hanad ayada ayaan u nacay sidaas awgeed waxa ay igu nacday Faqiir nimada waxa ay iga raacday wiil dibada ka yimid oo boorso lacag ah wata waxan ogaaday Gabdhaha ku nool Africa in ay daneyaan Money and Dibada anigana waan guul dareystay.
Hodan intaan u shekaynayey ilma dhamanadayda qoysay ayadana indha waxa ay ku haysay fuuskuleeti ay ooyinta iskaga tiraysay, balse waqti dheer aniga iyo isbadalkaygii ku yimid nolashayda, Aniga iyo Farxiyo xagee ayaan ku dabaynay, Hodanse waa qofma hadda, waxad ka bogan doonta sheekada lixaad lasoco sheekadaan.
lasoco qeebta Lixaad insha allahAkhristayaasha Qiima iyo qadarinta mudan waxan ka cudur daranayaa wixi dhanka qormada ah, talo iyo tusaale waad isoo weydiin kartaan adinko isticmaalaya Email kayga aan hoos ku qoran mudnaanta waxan siiya aqristayashayda shanta qaradood kala jooga sidoo kale website yada aad kala socotaana waa kuwa ila garabtagan had iyo jeeer in ay soo bandhigaan dhamaantiin waad mahadsantihiin .Qoraasare Hanad Cali Mohamud