|
sheeko jaceyl |
www.deercali.blogspot.com:- Qarnigaan 21aad wax kasta wey hormareyn sida isgaarsiinta, aqoonta iyo tagnoolijiyada qeybaheeda kala duwan.
Waxaa sidoo kale hormarkaasi si fiican ula hana qaaday jaceylka u
dhaxeeya labo qof oo isdooratay. Inkastoo jaceylka barashadiisa lookala
hoorey.Hadaan Soomaali nahay jaceylka waagii hore qofba si ayuu u
macneyn jiray walow raggu ay u yaqaaneyn jaceylka in uu yahay suuro ama
kibir laguna yaqaanayey dhalinyarada hadba casrigaas cusub.
Laakiin dumarka wax un bey ka yaqaaneyn inkastoo xishood Alle u
dhaliyey iyo usluub wanaag dhaqankeyna, ayaa u suurta galin weysay in ay
soo bandhigaan.Hadaan u soo laabto ragga maanta jira ayaa jaceylka in
badan wax ka fahmay marka loo barbardhigo raggii hore ee soomaalida, hadaan tusaale ahaan u soo qaato raggii hore marka ay xaasaskooda u
wacayaan midka ugu fiican ayaa waxuu ugu yeeri jiray magaceyda, inta
kale waxay isticmaali jireyn magacyo aan fiicneyn sida naayaa ama sina
weyneey iyo ereyo aan qofka loo yeeraayo qalbigiisa soo jeedaneyn, laakiin waxaa dhaqankaas maanta badalay jiilka cusub oo marka ay
xaasaskooda u wacayaan ugu yeera inta badan macaanto, gacaliso, indho u
roon, nafta iyo ereyo badan oo aan qoraal lagu soo koobi karin oo qofka
loogu Waco jecleysanaayo.
Intaas waxaa dheer, wax raggii hore ceeb u yaqaaneyn ayaa raggaan
maanta cusub jaceyl u yaqaanaan, waxaana ka mid ah arinkaas in suuqa
looga soo adeego iyo in hoosha guriga laga caawiyo xaaska, arinkaasoo raggii hore ay ceeb weyn ka aheyd dhankooda. marka laga
reebo in yar oo Alle wax fahansiiyey mooyee. Dhalinyarada maanta jirta
hadaad dhageysato ayagoo la hadlaya xaasaskooda ama qof ay qorsheynayaan
in ay guursadaan, adiga oo jaceyl ku heyn ayaaba jaceyl ka qaadeysaa afkooda maxaa yeelay
waxay isticmaalayaan erayba erayga uu ka naxariis badan yahay.
Dhalinyarada maanta cusub ayaa jaceylkooda inta badan guuleysto,
kaalin lixaad leh-na ka qaatay hadiyooyinka kala duwan ee aalaaba u
hadiyeeyaan xaasaskooda ama gacalisadooda taasoo keenta jaceyl fara
badan sida rasuulkeyna Maxamed scw inoo sheegay asagoo dhahay “isku
hadiyeeya aad is jeclaataane”.
Hadiyadaas ayaa wax kasta noqon karta sida fiyoore, dhar, mac-macaan
ay gacalisadaada ay jaceshay ama wax walba oo qof binu’aadan ah
qalbigiisa soo jeedan karaan.
Waxaa arin weyn oo lagu farxo ah in maanta ragga jira ay jaceylka aad
ula anba qaadeyn, si wanaagsana u xushmeeyaan dumarka, marka gabdhaha
maanta jira waxaa la gudboon in ay ka faa’deystaan fursadaan qaaliga ah
oo ayagana dhinacooda ay jaceylka ka qabtaan maxaa yeelay horay ayaa
waxaa loo yiri “ jaceyl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumin”,sidaas darteed waxaan kula talinaa gabdhaha Somaaliyeed in aysan
dhayicin fursadaan.
Ugu dambeentiina sidoo kale ragga jaceyka aadka u
fahmay kula talinayaa in ay meeshaas ka sii wadaan oo aan laga harin,
inta aanan fahmina waxaan leeyahay wax weyn ayaa idinka maqan ee
raadiya.
Waxaan jeclaan lahaa in aan aqristayaasha sharaf mudan aan soo dhax
dhigo su’aal taasoo ah, waxaan la soconaa in cilmi boodhari iyo qays ay
jaceyl u dhinteyn marka taariikh-da ma lagu haayaa gabar soomaaliyeed
oo jaceyl u dhimatay ama u wax yeelooday?