|
qabojinta jaceylka |
www.deercali.blogspot.com:- sheekadani waxay ku dhacday inan dhowr iyo labaantan jir ah maalin maalmaha ka mida isaga oo hor maraya macdaar wayn oo lagu iibiyo dharka islamarkaana uu isha ku dhuftay gabdh horjoogta oo uu markii inanku u maleeyay inay micdaarka ka masuul tahay ,inankiii markii uu gurigii ku noqday ayuu dareemay (jacayl) isaga oo aaminsan in aragtidii gabadhii macdaarka laga raacay muddo markii uu ninkii ahaa bukaan jiif ee wadaad iyo qaraanba lagala daalay.
Sida la sheegay ayay khasab noqotay in la qaado inankiii inta garbaha la qabtay lana horgeeyo macdaarkii si ay ergadiisu ugu dacwooto iyada oo badbaadinaysa nolosha inankan tabaalaysan .
Haddaba odayadii inanka raacay oo ay ka go`nayd inay gabadha uu caashaqay u soo gacan geliyaan ayay arrin lama filaana ku noqotay inay hor istaageen macdaarkii dabadeedna arkeen gabadh quruxi ku dhammaatay oo aad loola dhacay labiskeeda laakiinse nasiib darro caag ahayd oo la sheegay inay xayaysiis u taallo goobta .
Inkasta oo uu inankiii jacaylku hayay iyo tolkiiba dhulku la wareegay haddana halkii ayuu kaga dhawaaqay inuu caafimaaday maadama ay gabadhii caag ka noqotay, dabadeedna si nabadgalyo badan ayay halkii ka soo wada lugeeyeen!.
lasoca Qeybta 2aad.