Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?(Q; 3,4,5,6).
Q: 3aad
Markaana hadii aan u sii Gudbo Qeybtii Sadaxaad ee Maqaalkii Cinwaankiisu ahaa:Sideen u Fahamnaa Qur’aanka, waxaan Qeytaan kusoo qaadan Doonaa Labada Suuradood ee kala ah Aala-Cimraan iyo Al-Nisaa.
Suurada 3aad Aala Cimraan:
Suurada Aala-Cimraan waxey ka mid tahay Suuradaha aadka u Dheer, waana Suurada Sadaxaad Xaga Tartiib ahaan, Sababta loogu Magacaabay Aala Cimraana waa in ay Suurada si Faahfaahsan uga Hadashay Qisada Reer Cimraan oo ah Qoyskii ay ka Dhalatay Maryama oo ah Nabi Ciise Hooyadiis, sababtoo ah Qisadaan waxey Tilmaameysaa Awooda Buuxda ee Allaah u leeyahay inuu Abuuro Waxa uu doono iyo sida uu u Doono, Suuradii Al-Baqara waxey Tilmaamtay inuu Allaah Aadam Ciid ka Abuuray, Halka Suuradaana ay Tilmaameyso in Ciise laga Abuuray Maryama kaliya ayadoo aysan Guursan isla Markaana Xumaan Sameynin.
Suuradan waa Suurad ka mid ah kuwii soo dagtay Xiligii Magaalada Madiina loo Hijrooday ka dib Aayadaheeduna tiro ahaan waa 200 Aayadood, magaca (Allaah) Suuradaan waxaa lagu xusey 209 jeer, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Anfaal ka dib, waxa ayna ka mid tahay Suuradaha ku Biloowda Xaruufta gogoan waana juzka sadaxaad dhameystirkiisa iyo juzka afaraad badankiisa
Macnaha Guud ee Suurada Aaala Cimraan:
Suuradan Aaala Cimraan waxey si gaar ah uga Hadashaa laba arimood oo aad u Muhiim u ah:
1) tan koowaad: Suuradan waxey si aad ah uga hadashaa Caqiidada Islaamka ee Saafiga ka ah Shirkiga ayadoo hadana Daliilo aad u wanaagsan soo Bandhigeysa isla markaana Naqdineysa wax walba oo Shubha ah oo ay Daliishadaan kuwa Caqiidada Toowxiidka ah aan Fahamsaneyn, waxeyna si gaar ah Suuradaan ugu Ban baxday Qeyb ka mid ah Ahlu Kitaabka (Nasaarada) iyo Caqiidada ay ka aaminsan yihiin Nabi Ciise, waxeyna aad Dadka muslimiinta u Fahamsiiyay halka ay gafka ku galeen Masiixiyada iyo sababta ay u Baadiyoobeen, isla Markaana Suuradan waxey aad u Muujisaa Sharafta weyn ee ay lahaayeen Reer Cimraan iyo Gabadhooda Maryama, Reer Cimraan Suuradan waxey ku Tilmaantay in ay ahaayeen dad Allaah jecel yahay, Maryamana Suuradaan waxey ka Difaacday aflagaadada ay Yuhuuda u geysteen ayada iyo wiilkeeda Ciise.
Suuradaana waxey si faahfaahsan u Cadeysay Nabi Ciise inuu yahay Dad iyo Uun ka mid ah Abuurka Allaah, ayadoo Barbar dhigtay Abuurka Ciise kan Aadam, waxeyna Suurada Cadeysay in aysan jirin marba hadii Abuur uu yahay Ciise Sabab loo Caabudo, ama Alle Wiilkiisa loogu Tilmaamo.
2) Marka labaadna Suuradan waxey si Gaar ah uga Hadashay Qeyb ka mid ah Shareecda Islaamka, gaar ahaan Qeybta ku Saabsan Axkaamta Jihaadka, si gaar ahna waxey Suuradan wax ka tilmaamtay Duulaankii Uxud oo ahaa duulaankii Labaad ee Muslimiinta galeen hadana Jab kii ugu horeeyay kala kulmeen.
Sabata ay ku soo Dagatay Suurada Aala Cimraan:
Suuradaan waxaa sabab u ahaa soo Dagitaankeeda Wafdi Nasaaradii Jaziirada Carabta ah oo la Dooday Nabi Muxamad, ayagoo Xujeysanaya in ay Ciise ku Tilmaamaan inuu yhay Wiil Alle Dhalay kuna Dooday in bal Weligeed la Maqlay Abuur Hooyo kaliya ka biloowday, taasna waxaa Jawaab Buuxda ka Bixisay Suuradaan oo ka sheekeysay in Abuurka Ciise ay jiraan Abuuro kasii yaab badan sida Abuurka Aadam oo laga Abuuray Aabo iyo Hooyo la’aanba.
Fadliga Suurada Aala Cimraan:
Imaamu Muslim Saxiixiisa waxaa uu ku Wariyayinuu Nabiga yiri:{Qur’aanka aqriya waxaa uu yimaadaa Maalinta Qiyaamaha asagoo ka Ergo ah Dadkii aqrin jiray, Aqriya Labadii Ifeysay (Al Baqara iyo Aala Cimraan), waxey Maalinta Qiyaamaha labadooda Yimaadaan ayagoo sida Laba Daruurood oo kale ah..oo ka Doodaya (ka ergeynaya)Saaxiibkoodii (kii aqrin jiray)}.
Suurada 4aad AL-Nisaa:
Suurada 4aad ee Qur’aanka waxaa loo yaqaan Al-Nisaa, maadama si gaar wax badan lagu sheegay Xuquuqo iyo Axkaam gaar ku ah Dumar, waxaana Qur’aanka ku jira Suurado badan oo Magac Dumar sita ama Axkaam Dumarka ku gaar looga hadlay sida: Suurada Maryama, Suurada Dhalaaq iyo Axzaab iyo Suurada Al-Nuur, arintaas oo Muujineysa sida Cadaalada ku Dheehan tahay ee Diinka Islaamka u Xaq dhowray Dumarka.
Suuradan Al-Nisaa waa Suurad ka mid ah Suuradaha Soo Dagtay Xiligii Magaalada Madiina la Joogay, waxeyna ka mid tahay Suuradaha ugu Dheer, Cadadka Aayadaheeda waa 176 Aayadoood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Mumtaxina ka Dib.
Suuradan Al-Nisaa waxey ku Bilaabataa in Dadka oo Dhan loogu Naadiyo in Allaah ka Baqaan, waxeyna si aad ah uga Sheekeysaa Axkaamta Dhaxalka , waxeyna ku gabagaboowdaa Aayado ka Hadlayo Axkaamta Dhaxalka, waxeyna ku beegan tahay Juz ahaan Dhamaadka Juzka 4aad ilaa laga gaaro Biloowga Juzka 6aad,Magaca (Allaah) Suuradan lagu Xusay 228jeer..
Macnaha Guud ee Suurada Al-Nisaa:
Suuradaan Maadama ay ka mid tahay kuwii Magaalada madiina kusoo dagtay waxey aad Xooga u saartaa Axkaamta Shareecada Islaamka, gaar ahaan arimaha Quseeya Haweenka, Guriga Muslimka iyo Bulshada Muslimiinta, ayadoo hadana meelo badan ka hadasha.
Suuradaana Wadanka Soomaliya waxaa si gaar ah loogu Xasuustaa ragii Culimada ahaa ee loo Dilay amaba loo Xeray doodii ay ka keeneen Markii Doowladii Hore ee Soomaliya dafirtay si Fagaara ah Qaar ka mid ah Aayadaha Quseeya Qoyska iyo Hab Qeybinta Dhaxalka.
Sababta ay kusoo Dagatay Suurada Al-Nisaa:
Sababta ay usoo dagatay Suuradaan Gaar ahaan Aayadaha ugu horeeya waa in la Xaliya khilaafaad ku Saabsanaa Dhaxal oo dhacay Xiligii Waxyiga soo dagaayay, Khilaafaadkaasna waxaa sabab u ahaa in Diinta Islaamka intii aysan soo dagan aysan jirin Cid Xaq iyo Xuquuq dhaxalba u ogoleyd Haweenka iyo Caruurta Agoonta ah.
Sideen u fahamnaa Qur’aanka?
Q 4aad
Qeybtaan waa Qeytii 4aad ee maqaalkii aan kaga hadleynay Sideen u fahamnaa Qur’aanka? oon aan rajeynayo inaan uga faaiideysano siaan Qur’aanka uga helno Aqoon Guud oo kooban..
Suurada 5aad Al-Maaidah:
Suuradan waa Suurada 5aad Habka uu u qoran yahay Musxafka Qur’aanka marka loo eego, waxaa loogu magac Daray Al-Maa’idah si ay u Waarto Xusuustii Mucjizadii la siiyay Nabi Ciise Markii Israaiiliyiintii Su’aasheen in Allaah uu Cirka kasoo Dajiyo Xeero Cunto ah, taasoo laga aqbaly Nabi Ciise Markuu Allaah ka Baryay ayadoo isla markaasna loogu Goodiyay in aysan Caasinimo kale la imaan Codsigoodaas ka dib.
Suuradaan waxa ay ka mid tahay Suuradaha soo dagtay Markii Magaalada Madiina loo Hijrooday ka dib, waxeyna ka mid tahay Suuradaha aadka u Dheer, Aayadaheedana Tiro ahaan waa 120, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fatxi ka dib, Suuradan waxey ku Bilaabataa Qaab ah Naadin ku Socota kuwa Mu’miniinta ah, waxeyna Suurada ku beegan tahay Juzka 6aad Badankiis ilaa Juzka 7aad Biloowgiisa laga gaaro.
Macnaha Guud ee Suurada Al-Maaidah:
Suuradaan Maadama ay Magaalada madiina kusoo Dagatay waxey Xambaarsan tahay Guud ahaan Suuradihii ka horeeyay Nidaamkii ay Xambaarsanaayeen oo waxa ay aad Xooga u saartaa Dhinca Shareecda Islaamka, ayadoo ay u dheer tahay in ay ka Hadasho si aad u xeel dheer Arimaha Caqiidada iyo Qisooyinka ku Saabsan Ahlu Kitaabka.
Caalimka la yiraahdo Abuu Meysarah waxaa uu yiri: {Suuradaan Al Maaidah waxey ka mid tahay Suuradaha Qur’aanka kuwii ugu Dambeeyay ee soo dagtay, mana ku jiro Mid la Nasaqay Xukun ahaan, waxeyna Xambaarsan tahay ilaa 18 Waajib}.
Sababta ay kusoo Dagatay Suurada Al-Maaidah:
Suuradaan Biloowgeeda waxey soo dagatay Xili Muslimiinta oo ka yimid Magaalada Madiina ay Gaaladii Maka Joogtay markaas ka hor Istaageen Cimrada, aydoo Muslimiinta aad u Careysan ayay waxey arkeen Koox Mushrikiin ah oo doonaya in ay Makah ku Cimreestaan, taasoo keentay qaar Muslimiinta ka mid ah damcaan in ay Horjoogsadaan sida ayagaba Mushrikiinta Maka u Horjoogsatay Maadama kuwaan ay yihiin Mushrikiin kale, taasna Allaah wuu ka diiday waxaana Soo dagtay Biloowga Suuradan oo loo Sheegay in ay ka Hor leexdaan kuwa Makah ku socda Gaalaba ha ahaadeene.
Suuradaan Qeybo ka mid ahna (Aayada 3aad) waxey soo dagteen Sanadkii 10 ee Hijriyada Markii uu Nabiga (SCW) Xajinayay Xajkii Sagootinta, taasoo nin Yuhuud ah uu yiri: Hadii Aayadaan ay Nagusoo dagan Laheyd Anga Yuhuuda ah waxaan ka Dhigan laheyn Maalinkaas Ciid,.. waxaana uu Cumar Ibnu Khadhaab (Alaha ka raali noqdee) ugu Jawaabay waxey soo dagatay Goor la joogay Carafo Maalin Jimco ah,…taasoo uu Cumar ula eeday waxey noogusoo Beengantay laba Ciidood oo waa weyn.
Suurada 6aad Al-Ancaam.
Suuradaan waxa la yiraahdaa waxaa loogu magac daray Al-Ancaam, maxaa yeelay Magacaas ayaa aad ugu soo noqnoqda, ama waxey Suuradaan aad wax ugu Sheegtay Xoolo ay Mushrikiintii Makah ku bixin jireen Sanamyada in ay ku Caabudaan.
Suuradaan Al-Ancaam waa Suurada 6aad ee Musxafka Qur’aanka waana Makiyah Badankeed, marka laga reebo Aayado kooban oo kala ah: Aayada: “20,23,91,93,114,141,151,152,153,” kuwasoo kusoo dagtay Magaalada Madiina, waxeyna ka mid tahay Suuradaha aadka u Dhaadheer, Xaga Tirada Aayadaha waa 165, waxeeyna soo dagatay Suurada Al-Xijri ka dib, waxa ayna ku Bilaabataa Hab ah Amaan Rabi.
Suuradan waxey Kitaabka kaga Aadan tahay Juzka 7aad intiisa Badan ilaa laga gaaro Kaloo barka Juzka 8aad.
Macnaha Guud ee Suurada Al-Ancaam:
Suuradan waxa aay ka Hadshaa caqiidada iyo Asalada Diinta maadama ay ka mid Tahay kuwii kusoo tagtay Makah, Suuradihii ka Horeyay waxey kaga Duwan tahay in aysan ka hadlin wax ku Saabsan Arimaha Nidaamka Sharciga iyo Axkaamta sida Soonka iyo Xajka, maxaa yeelay Muslimiinta Xiligaas Cibaadooyinkaas laguma Waajibin, sidoo kalana kama Hadasho Suuradaan Arimaga Dagaalka iyo Xiriirka Debada ka ah Muslimiinta sida Ahlu Kitaabka iyo Munaafiqiinta.
Suuradaan Kaliya waxa ay si Faahfaahsan uga Hadashaa Arimaha kala:
1)- Allaahkali ahaanShihiisa waxa Quseeya.
2)- Arinta ku Saabsan Soo dagitaanka waxyiga.
3)-Arinmaha ku Saabsan Soo Nooleynta iyo Abaal Marinta Maalinta Qiyaame.
Suuradan Al-Ancaam Markii ay soo dagteen Aayadaheeda aadka u faahfaahiyay Xalaasha iyo Xaaraanta waxaa Dood aad u weyn ka Dooday Mushrikiintii Makah ayagoo la Doodaya Nabiga Suuban (SCW) oo leh Neefka Dhintay yaa Dilay?waxaa uu Nabiga Suuban ku Jawaabay: Waxaa Dilay Allaah. waxey yiraahdeen Neefkii uu Allaah Dilo (Kii Baqtiya) Xaaraan Miyuu noqonayaa, kii aad idinka Disheena (Gooracdeen) Ma Xalaalaa ?….waxaa uuna Allaah jawaab uga dhigay inuu soo dajiyay Aayada 122 ee isla uuradaan.
Fadliga Suurada Al-Ancaam:
Suuradaan waxaa ay kusoo dagatay Nabiga Xili uu joogay Magaalada Makah waxaana wehlinayay (Galbinayay) 70.000 Malaaig ah ayagoo aad u Tasbiixsanaya, markii uu Nabiga (SCW) Maqlay Shanqarta Tasbiixdooda aad ayuu u Argagaxay waxuuna u dhacay Sujuud ilaa loogasoo dajiyay Suurada.
Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?.
Q: 5aad
Qeytaana waxaan ku soo qaadan Doonaa Laba Suuradood oo kala ah Al-Acraaf iyo Al-Anfaal kuwaasoo noqon Doono Qeybtii 5aad ee Maqaalkii Cinwaankiisu ahaa Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?.
Suurada 7aad Al-Acraaf :
Suuradan waxaa loo yaqaan Al-Acraaf maadaama Magaca Acraaf uu ku Xusan yahay Suurada Dhexdeeda, Acraafkuna waa Derbi ku yaala Janada iyo Naarta Inta u Dhexeysa oo kala Xijaaba Ahlu Janaha iyo Ahlu Naarka.
Waxaana Allaah uu Suuradan ku Dhex Sheegay qolo la Yiraahdo Asxaabul-Acraaf oo ah Dad Wanaagooda iyo Xumaantooda Sinaadeen oo Xumaantoduna ka hor joogsatay Galitaanka Janada, Samaantoodiina looga Reebay Galitaanka Naarta, sidaas darteed u fadhiistay meel u Dhaxeysa Janada iyo Naarta ayagoo Sugaaya in Allaah Xukmiyo halka ay tagi Doonaan, markii ay arkaan Ahlu Naarka iyo Dhibaatada Naarta ku Heysata ayay waxeyna Allaah ka Baryayaan inuusan Meel la gelinin kuwa Naarta ku jira, …
Suuraada Al-Acraaf waa Suurad Makiyah ah, Marka laga reebo Aayadaha kala ah: (163…170), Suuradaan waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay Suuradaha Dhaadheer, Tirada Aaydaha Suuradaan waa 206 Aayadood, Suuradan waxey ku Bilaabataa Xuruuf Go’go’an sida kuwii soo horeeyay oo kale, waxeyna ku beegan tahay kaloo Barka Juzka 8aad ilaa inta Badan Juzka 9aad, waxeyna soo dagatay Suurda (Saad) ka dib.
Macnaha Guud ee Suurada Al-Acraaf :
Suuradaan waxey aad u Faahfaahisaa Qisooyinka Nabiyada, waxeyna aad uga hadashaa Caqiiidada Toowxiidka, Abaal Marinta Maalinta Qiyaame, ayadoo Soo bandhigta in Nabiyada oo Dhan Dacada Dadkooda ay Gaarsiinayaan ay ku bilaabi jireen ka Hadalka Toowxiidka, Arintaasna waxey Dadka Ducaada ah ku Baraarujineysaa in ay Habkaas oo kale Dacwada u wadaan Maadaama Toowxiidku yahay Aasaaska Diinta, waxaanaba Caado u ah Qolo walba oo Diin Aaminsan in ay Dacwada Diinkooda ka Bilaabaan Caqiidada ay Aaminsan yihiin ha u haado Diin Saxan (Diinka Islaamka), ama Mid Qaldan (waxa Islaamka kasoo hara).
Sababta ay u soo dagatay Suurada Al-Acraaf :
Suuradan waxaa lagula Dagaalamayay Dhaqan ay lahaayeen Dad Reer Baadiye ahaa oo Kacbada Dhawaafi Jiray ayagoo Dhar la’aan ah Islaamka ka hor, waxaana Suurada Amreysaa in Dadka ay Labistaan Marka ay Doonayaan in ay Cibaadestaan.
Suurada 8aad Al-Anfaal :
Suuradan Al-Anfaal waa Suurad soo Dagatay Xiligii Muslimiinta ay joogeen Magaalada Madiina Marka laga Reebo Aayadaha kala:(30 ilaa..36) kuwaasoo Makah intii la Joogay soo Dagtay.
xaga tirada Aayadaheeduna waa 75 Aayadood, waxeyna soodagatay Suurada Al-Baqarah kadib, Suuradaan waxey aad xooga usaartaa Axkaamta.
Maxaabiista iyo Xoolaha dagaalka lagu furto, waxeyna soo dagatay duulaankii Badar kadib, Suurada Al-Anfaal waxey kitaabka kaga beegan tahay dhamaadka Juzka 9aad iyo Bilowga Juzka 10aad.
Macnaha guud ee Suurada Al-Anfaal :
Suuradan Al-Anfaal waxey si gaar ah Xooga u Saartaa Dhanka Sharciyada Dagaalka, iyo Habka ay tahay in loo qeybiyo waxii Xoolo ah ee Dagaalka lagu Qabsado, waxeyna si gaar ah uga Hadashaa Xalinta khilaafyo Muslimiinta ku Dhex maray Duulamada qaar, waxeyna si aad ah Muslimiinta u siisaa Tilmaamo Xaga Rabi ka yimid oo ay Waajib tahay in ay Raacaan Marka ay Cadowga Allaah Dagaalka kula Jiraan, waxey kaloo kara Hadashaa Dhanka Heshiisyada Nabada ee lala gali karo kuwa Dagaalka lagula jiray.
Sababta ay ku soo Dagatay Suurada Al-Anfaal:
Suuradaan waxey kusoo dagatay Markii Muslimiinta La Dagaalameen Gaaladii Qureysh Duulaankii Badar oo uu Jabka Gaaray Gaaladii, Muslimiintiina ay isku qabsadeen Cidda Xaqa u leh in ay la Wareegto Hantidii Gaalada ka Carareen, waxaana loo kala qeybsamay Sadax qolo:
1)- Qoloda Koowaad waxey ahaayeen Kooxdii Eryatay Cadawga waxeyna ku Doodeen in ay ayaga gaar u leeyhiin Xoolaha ay ka Carareen Gaalada.
2)-Qolada labaadna waxey yiraahdeen anagaa Idinka Mudan oo Waxaan ilaalineynay Nabiga (SCW) si aysan si kada ah Cadwga Dhib u Gaarsiin.
3)- Qoloda Sadxaadna waxeyku Doodeen in ay ayaga Gacantooda ku Qabsadeen Xoolaha oo dhan intii Cadawg la sii Eryanayay.
Marka ay arintu intaas mareysay ayaa Allaah waxaa uu Nabigiisa u Waxyooday Suuradan si loo soo afjaro Khilaafka, Nabigana (SCW) Xoolihii waxa uu ugu Qeybiyay si isla mid ah Sadaxda Kooxba, waxaana Muslimiinta la amray in ay Wanaajiyaan Xeriirka ka Dhexeeya.
Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?
Q: 6aad
Waxaan Qeytaana kusoo qaadan Doonaa Qeybta Suurada Al-Towbah kaliya si aan u Bogano, waana Qeybtii 6aad ee Maqaalkii Cinwaankiisu ahaa Sideen u Fahamnaa Quraanka?.
Suurada 9aad Al-Towbah:
Suuradan Al-Atowbah waa Suurada 9aad ee Musxafka Qur’aanka, waxaana Magacaas loogu Magacaabay in Koox Muslimiinta ka mid ah ay ka hareen Duulaankii Tabuuk ayadoo aysan jirin sabab Sharci ah oo ay uga maqnaadaan Duulaanka, Markii Nabiga ka soo laabtay Tabuuk ayaa qaar kuwii haray ka mid ah u Cudur daarteen oo Been Sheegeen, hase yeeshee Sadax Saxaabi oo kala ah:Kacab Ibnu Maalik,
Hilaal Ibnu Umayah, iyo Mirarata Ibnu Rabiic, waxaa laabtooda ku Dhalatay in aysan Cudurdaarasho Been ah kaga baxsan karin gafkii ay galeen, sidaa darteed ay runta ku sheegeen Rasuulka Suuban (SCW) hortiisa ayagoo leh:
Majirin Sabab Cad oo aan uga Baaqanay Duulaanka,.. arintaas ayaa keentay in Sadaxdooda Nabiga (SCW) u qirto in ay runta Sheegeen, laakiin waxaa lagu Ciqaabay in Xeriirka loo jaro ilaa uu Allaah arintooda Xukun kasoo saaro, taasoo ku qaadatay waqti Hal Bil ka badan ilaa markii.
Dambe ay soo Dagatay Aayadaha ku jira Suuradaan (117 iyo 118) oo Sheegaya in Guud ahaan Nabiga Muhaajiriinta iyo Ansaartii Duulaanka Tabuuk aaday in laga Toowbad aqbalay, gaar ahaana Sadaxdii Saxaabi ee Xeriirkooda la jaray ee aadka u Murugsana.
Sidaas ayaana Suuradan loogu Magac daray Al-Towbah.
Suuradan Al-Towba waxey ku soo Dagatay Magaalada Madiina Sanadkii 9aad Bishii Shawaal, marka laga Reebo labda Aayadood oo kala ah: Aaayada 128 iyo 129aad oo ah Makiyah, Tiro ahaan Aayadaheedu waa 129 Aayadood, waxeyna Soo dagatay Suurada Al-Maaidah ka dib.
Waxaana Xasuusin Mudan Suuradan in ay ka mid tahay Suuradihii ugu Dambeeyay ee soo Dagtay, sidaa darteed waxaa Meeshan ku Cad in Habka uu isugu Xigo Kitaabka Quraanka Suurad ahaan aysan aheyn Habkii ay kusoo kala Horeeyeen Suuradaha Quraanka, Maxaa yeelay Suuradan waxey Musxafka hada ka mid tahay kuwa u horeeya, Suurada Al-Calaq oo Biloowgeedu yahay Quraankii u horeeyay ee Soo dagtayna waxey ka mid tahay Habka Musxafka u qoran yahay kuwa u Dambeeya Suuradaha Musxafka ku yaala, sababta arintaas keentayna waa in Habka loo kala Hor mariyay Musxafka uu yahay waxyi Nabiga kaga yimid Xaga Rabi si kastaba ha usoo kala Horeeyaane soo dagid ahaan,.. Suuradaan waxey Musxafka uga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 10aad iyo Biloowga Juzka 11aad.
Waxaa kaloo Suuradan marka la joogo Xasuusin Mudan in Suuradan Al-Towbah ku Bilaabato Bisin la’aan, taasoo Ahlu Cilmiga ay ku Fasireen sababta ay sidaas u tahay sababo kala Duwan, hadii aan soo koobana waa :
1)- Waxaa Caado u ahaan jirtay Carabta in hadii Qof Col kala Dhexeeyo u dirayaan Risaalo ka Dhowraan Bisinka in ay ku Biloowdaan, (waxaana la sheegaa in Tafsiirkaas aad u liito oo laga wanaagsan).
2)- Tafsiirka labaad ee Culimada Sheegtay in ay Sababta Bisin loo siinin ay tahay Saxaabada Qaar isku khilaafeen in Asal ahaan Suuradaan iyo Suurada Al-Anfaal wada yihiin Hal Suurad, taasna in ay Sababtay in Saxaabada ay ka Dhaafaan Bisin Gaar ah in ay Siiyaan , hadana waxaa loo Dhigay Suurad Madax Banaan maadaama ay Saxaabada Qaar kale qabeen in ay tahay Suurad Madax Banaan, taasoo ula jeedadaeeda tahay in labada aragti ee Saxaabada ka aaminsanaayeen Suurada la isu keeno, waxaana arintaas faahfaahin ka bixiyay Xadiis uu Xaakim Musdarak Kitaabka la yiraahdo ku Warinaayo.
3)- Tafsiirka Sadaxaadna waa in Suuradan Al-Towbah sababta Bisinka looga Dhaafay ay tahay in ay Xambaarsan tahay Baaq Dagaal iyo in Mushrikiinta Xiriirka loo Jaro, arintaasna waxaa ku Fasiray oo qaba Aragti ahaan Cali Ibnu Abii Dhaalib, Sufyaan Ibnu Cuyeyna iyo Rag badan oo Ahlu Cilmiga ka mid ah, Aragtidaan ayaana ah tan inta badan Culimda u arkaan in ay ugu Saxan tahay.
Suuradaan Al-Towba markii ay soo Daganeysay Waxaa la tilmaamaa in Muslimiinta kuwa ka soo haray Xiligaas ay kala ahaayeen Sadax Nooc:
B)- Kuwa Dagaal uu ka Dhaxeey Muslimiinta.
T)- Kuwa Awal Dagaal ka Dhaxeeyay Muslimiinta Laakiin markaas uu dhex yaalay Heshiis waqti Kooban ah.
J)- Kuwo ku Noolaa Muslimiinta Dhexdooda laakiin aan Muslimiin aheyn.
Macnaha Guud ee Suurada Al-Towbah:
Suuradan waxaa Culimada Tilmaamaan in ay laba arin aad Xooga u Saarto kuwaas oo kala ah:
1)- Xeriirka Muslimiinta kala Dhaxeeya Mushrikiinta iyo Ahlu Kitaabka.
Arintaasna waxaa aad u Faahfaahiyay Qeybta hore ee Suurada.
2)- Arinta Labaadna waa in ay Suurada tahay mid soo if bixisay Sirta iyo Hab dhaqanka waxa la yiraahdo Munaafiqiinta, waxaana arintaas aad u tilmaamay Qeybaha Dhexe iyo Dambe ee Suurada.
Waxaana Xasuusin Mudan Maadaama ay Suuradan aad u soo hadal qaaday kooxda loo yaqaan Munaafiqiinta in aad loo baaro loona Fahmo Habkii uu Nabiga ula Dhaqmi jiray Kooxdaas, taas waxaan ula jeedaa Dalkeena Soomaliya Maanta waxaa ku badan in Dadka Marka Hore Xumaan lagu Tuhunsado (Murtad, Munaafiq, Jaajuus) Ka dibna in la Dilo, ayadoo Labadaas arinba ay Sharci ahaan banaaneyn, tan Hore Tuhunta Sharceeda Islaamka kuma Banaana, Tan Labaadna Dil Ruux Muslim ah ma Banaana ayadoo Daliilka ugu weyn ee loo Cuskanaayo Tuhun yahay, xataa hadii Ruux Muslim ah uu la yimaado waxyaabo muujinayo in ay Calaamadihii Munaafiqiinta yihiin waxaa Muhiim ah in loola Dhaqmo sidii Nabiga Raxmada badan (SCW) ula Dhaqmay waa hadii la Helo Doowlad Xaq u leh in ay Dadka kala Xukunto, laakiin hada iyo Xaalada lagu jiro ma jirto Cid u madax Banaan Xukminta Dhiigaga Muslimiinta Magaca uu Doono ha watee (Dowlad ama Mucaarad), maxaa yeelay wax Sahlan ma aha Dilka Muslimka ama u banaan Koox walba in ay Xukuno kusoo rogto Muslimiinta aydoo la leeyahay waxaan Dabaqeynaa Shareecada Islaamka!!.
Sidoo kalana waxaa Muhiim ah in laga Digtoonaado is Amaanitaanka iyo Faanka Caadada u noqday Dadka Diinka Barta waayahaan oo ismooda hadii ayba Xoogaa Barteen amaba ay Culimo la Joog Noqdeen in ay Jidkii Janada Cagta ku hayaan Naftooda ka Badbaaday in ay ka mid Noqdaan Munaafiqiinta, maxaa yeelay Munaafiqnimada waxaa Naftooda uga baqi jiray saxaabada Suusuuban iyo Ahlu Cilmigii Muslimiinta, ma ahan marka Maanta Nin walba oo Cimaamad Xertaa ama Koox ku biiraa inuu
Moodo inuu asaga ka badbaaday Xumaan oo dhan asagoo laga yaabo Xumaanta ugu badan inuu Gacanta kula jiro