|
codeey |
Marka ugu horeeyso oo qofka yimaado k/afrika wax yaalaha ugu hureyo oo maqlayo waxa kamid ah kalmada “la’isuma qoslo“,
waana wixii ugu horeeyey oo la igu yiri markii aan imid k/afrika hal
sano iyo bar ka hor , balse jawaab aan si lama filaan ah u bixiyey ayaa
noqotey xaqiiq aan la iska indho tiri karin.
Jawaabta aan bixiyay ayaa aheed “hadii aan leysku qoslin waa la isku ooy doona”.
Kalimada ah la’isuma qoslo waxaa loola jedaa arxaan daro, abaal
daro, isu nixid la’aan, iyo aan wax garab ah la isa siin, intaa kaliya
kuma ekee waxa ay kalimadu xanbaarsantahay in la is dhibaateyo.
Ula jeedada aan u soo qaatay erayga ah ”La’iskuma qoslo”
ayaa ah in aysan Soomaalida wax naxariis ah aysan kujirin qofba
dantiisa kaliya uu fiirsado, micnaha la’isuma qoslo ayaa ah in wax
farxad ah uu san ku muujin sida qofka sxbkaa ah ama qaraaba aa tihiin
taa ayaa keentay in aan la’isu qoslin k/afrika.
Markii aan soogaaray wadanka K/Afrika qofkii ugu horeeyey oo aan la
kulmay waxa uu ahaa saaxiibkeeyga qaali ah, salaan kadib ayuu waxu igu
dhahay saaxiibkeey Codeeyoow dalkani Koonfur Afrika “La’iskuma qoslo” .
Jawaabta isla markaas aan kabixiyay ayaa noqotay “Haddii aanan la’isu qoslin waa la’isu ooyn doonaa” oo aan ugala jeedo hadii aadan walaalkaa maanta adan garab siin bari marka uu dhinto ayaad barooran doonta ama ooy doonta.
Marka aad dhax marto magaaloyinka waaweyn ee wadanka waxaad
arkaysaa dad badan oo Soomaali ah oo nolosha ka dhacay oo jiifta
gidaarada, jooga meelaha qamriga lagu iibiyo, maqayadaha qaadka lagu
cuno, xafada Soomaalida ku badantahay , marka aad qaarkood waraysato
waxa ay kaaga sheekeynayaan garab la’aan ay kala kulmeen walaalo halkan
oga soo horeeyey, iyo waliba dhibaatooyin loo geystey, kuna kalifey in
ay nolosha ka dhacaan.
Mid kasta oo dadkani ka mid ah markii uu dalkani soo galayay waxa
uu lahaa hami sare oo ah in uu wax tabcado, ehelkiisa wax u taro,
noloshiisana wax u qabto.
Marka aad maqasho ereyga la’isuma qoslo durbaba waxa maskasdaada
kusoo dhacayso Tallow maxa la’isugu qosli waayay ?. Micnaha erayga aan u
soo qaatay ayaa ah K/Afrika in aysan wax naxariis ah aysan kajirin .
Sida aan soo sheegey kaliya ma ahan in aanan la’isu naxariisanin oo
aanan garab la’isa siinin, ee sidoo kale dadke dhexdooda waa kuwa is
dhibaateeya, waxaan tusaale usoo qaadan karaa dhacdo xanuun badan oo
kadhacday magaalada Port Elizabeth taa oo ah nin walaalkiis cad cad u
jar jaray , oo inta god u qodey ku ridey hilbihiisa kadib markii ay isku
qabsadeen dukaan ay shirko ku ahaayeen. Waxaa jira boqolaal dhacdo kale
oo tani la mid ah ama ka agdhow oo dad Soomaali ah isku dileen, ama si
kale isu dhibaateeyeen oo ay ka mid tahay in xitaa tuugo isu
adeegsadeen.
Soomaalida kunool wadanka K/Africa ma ahan dad dabka kala qaata
mana ahan dad isjecel inta badan, tusaale ahaan haduu qof Soomaali ah
daganyhay hal xaafad majira gof ku dhiiran karo inuu kasoo ag dhawaado
sidii isaga oo xaafada dhan isaga leh, sababta ayaa ah in kaligii cune
yahay ama uu san wax jaceyl ah uusan u qabin qofka walaalkiis ah.
Waxaa uu jaceylyahay in uu kaligii daganaado xafadaas si uu u helo
kalyanti badan oo u soo dukaameeyso dukankiisa kaliya, tana waa mid
kamid ah cadoow tinimada iyo isxaan daro la’aanta ka dhaxjira Soomaalida
K/Africa .
Markii aad soo gaarto wadankaan K/Afrika waxaa lagugu soo
dhaweynaya waji farxad leh, iyo qosol aanan bishimaha dhaafsiisanayn,
laakiin labo maalin kadib waxaa dhagahada ku soo dhacaya waaba haddii ad
maqashay erayga la’isuma qoslo.
Xaqiiqda aan arkay ayaa ah in maalinkasta dadka ay u ooyaan qof
walaalkood ah oo lagu diley dalkani, ama lagu dhaawacay, lagu gubey ama
lixdiisa lixaad ku waayay.
Qosolka waa sheeyga aduunka ugu qaalisan misane aanan lacag lagu
kala iibsanin, waxa uu furaa qalbiyada, waxa uu isu soo dumaa niyadda
dadka, waxa uu dadka ka dhex abuuraa jacayl kaasoo keenaya wadajir iyo
midnimo, maahmaahdii caanka ahayn waxa ay ahayd “gacmo wadajir beey wax
ku gooyaan”. Sidaasi darteed waxaan leeyahay yaanan laga tagin
naxariista iyo in la’isu qoslo.
W/D: Cabdiraxmaan Muumin (Codeey)