 |
Amerika |
www.deercali.blogspot.com:- Ahuur Jabriil waa gabar Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Minisoto ee
cariga Maraykanka, waxayna gobolka Minisoto intii ay joogtay ay
la-kulantay dhacdo cajiib ah h addaba iyadoo ka hadleysa sidii ay wax
ugu dhaceen
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan
degmada Xamar weyne, waxaan dalka Maraykanka soo galay sanadkii
1997-kii, anigoo halkaasi ka bilaabay waxbarasho iyo shaqo.
Soomaalida joogta wadanka Maraykanka ayaa waxay ku waalan yihiin
aroosyadda ka dhaca dalkaasi, anna waxaa kamid ahaa gabdhaha aalaaba ka
qeyb gelli jiray xafladaha arooska ah ee ka dhaca dalkaasi, gaar ahaan
gobolka Minisoto oo ay ku badan yihiin ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan
dalka Maraykanka.
Mar walba oo aan arooska ka qeyb gallo, isla-markaana aan guriga u
soo laabto ayaa waxaa ku riyoodaa anigoo leega zineysanaayo, dhacdadaasi
aad iyo aad ayaan ula fajacay, waxaana dhacdadaasi isku arkaa marka aan
aado aroos.
Habeen walba oo aan aroos ka qeyb gallo, isla-markaan aan guriga u
soo laabto ayaa waxaa caado ii noqotay inaan ku riyoodo, aniga oo la ii
galmoonaayo, xaqiiqdii aad baan ula fajacay.
In ka badan 20 jeer markaan isku arkay dhacdadaasi foosha xun, ayaa
waxaa u tagay Macalin dugsi Qur’aan dhiga, waxaana u sheegay dhibka i
heysta, xaqiiqdii Macalinka oo ahaa nin Caqli badan, isla-markaana wax
garadka ah, ayaa inta uusan wax jawaab ah i siinin i weydiiyay, marka
aan arooska aadaayo waxa aan sameeyo, waxaana u sheegay caadiyan inaan
qaato dhar wanaagsan, sidoo kalana aan marsado noocyada ugu carafta
badan ee barafuunka ama cadarka, isla-markaana waxaa dalka Maraykanka
caado ka ah, aroos kasta in lagu aado dhar cusub.
Macalinka ayaa wuxuu igu jawaabay soo Nabiga muusan dhihin �NNKH�
haweenka marka ay meel aadaayaan, ama ay baxaayeen yeesan wax yaabaha
carfoon marsan, haddii kale waxay noqonaayaan kuwo laga soo zineystay,
Xilligaa wixii ka dambeeyay ayaa waxaa go�aan cad ka qaatay inaan aadin
aroos oo dhan, markaas ayaana igu dambeysay inaan aado aroos oo dhan.
Fiir Gaar ah: Dhacdadaan ayaa waxay ku socotaa haweenka Soomaaliyeed, isla-markaana ha�idnkugu filnaato digniin oo idil