 |
sheeko |
www.deercali.blogspot.com:- Assalaamu Alaykum walaalaha qeymaha iyo qaayaha badan ee
kuxiran websitekan qeymaha badan. Maanta iyo maqaalkeena wuxuu ku
saabsan yahay sheeko aniga iyo dad badan oo akhriyey ka oohisay. Waxaan
quud-daraynaya inaad idinkana cibro ku qaadankartaan oo ah hadafka dhan
ee sheekooyinka.
Sheekadu waxay ku socotaa gabadh magaceeda layirah Cassie
iyo sida ay diinta Islaamka ku soo gashay oo runtii ka duwan sida ay dad
badani kusoo islaamaan. Aniga qof ahaan waxaan kashaqeeyaa Islamic
center ay dad badani ku soo musliman. Markasta oo aan dhagaysto qisada
ay ku soo muslimeena ayaan diinteyda dib u eegaa oo Allah ku mahadiya!
Qisada waxaa loogu magacdaray markeedii hore ‘ How An 80 Yr. Old Man’s Salat Brought Cassie to Allah’
Qisadan oo si qurux badan loogu qoray afka Englishka waxaan
ka cadurdaaranaya haddii aan usoo gudbin waayo sidii ay uqortay gabadha
sheekada soo diyaarisay.
Waana tanaa sheekadii oo kubilaabatey:
Magacayga waxaa layirahda Cassie, waxaan ahey 23 jir
sanadkan kasoo qalinjabiyey iskuulka kalkaalinta caafimaadka. Shhaqadii
iigu horeysay waxaan kaheley meesha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka
(Home nurse).
Qofkii iigu horeeyey ee la’igu qorey wuxuu ahaa odey 80 jir English ah oo qaba cudurka ‘Alzheimer’s‘.
Maalintii iigu horeysay ee aan shaqada soo galay ayaa la ii dhiibey
fileka bukaanka. Haddii aan isha la raacay waxaa ku qoran inuu diinta
islaamka galay oo uu yahay’convert’.
Horey ayaan u ogaa in hab-dhaqameedka meesha(home nurse) qaarkiis uu
kahor imaandoona diintiisa sidaas darteed aan ubaahanahey inaan fahmo
waxyaabaha uu ubaahanyahay si aan ugu khidmeeyo sida ugu wanaagsan.
Waxaan usoo iibin jirey hilib xalaal ah oo si gooni ah ugu
kariyo. Waxaan ka fogeeyey dhamaan wixii leh hilibka doofaarka iyo
khamriga. Waxaas oo dhan waxaan ku ogaaday kadib markii aan sameeyey
baaritaan ku saabsan waxyaabaha ay muslimiinta diidanyihiin.
Dhibanahan wuxuu ahaa qof ay xaaladiisa caafimaad aad
uliidato oo ay adag tahay in loo khidmeeyo. Xitaa saaxibadey ayaa
ilayaabi jirey sida aan ugu dadaalayo qof ay xaaladiisu sidaan tahay oo
hadana sita diin qariib ah. Anigase waxaan u arkaayey ‘qof diintiisa’
daacad u ah oo ubaahan in la ixtiraamo”
Sikastaba ahaatee, isbuucyo yar haddii aan lajoogey waxay indhahayga kudhaceen isagoo samaynayo xarakaat isu eg.
Ugu horeyntii waxaan uqaatay arkay qofkale oo uu kudayanayo laakinse
waxaa ii muuqatay inuu ku soo celcelinayo waqtiyo gooni ah sida subuxa,
galabka iyo fiidka. Waa xarakaat gacmaha kor loo taagaayo, foorarsi,
madaxa oo dhulka ladhigo iyo kuwa kale oo aan fahmi waayey waxa ay
kadhiganyihiin. Wuxuu ahaa mid akhriyo jumlada aan fahmi waayey luuqada
ay yihiin inkasta aanu sifiican uhadli Karin markiisa horaba xanuunka
dartiis.
Wuxuu ahaa mid iga diido inaan gacanta bidix ku quudiyo
inkasta oo aan ahaa qof guran, ‘Malaha waa arin diintiisa salka ku haysa
oo aan weli fahmin sababta’
Goor aan isla wareersanahay ayaa qof aanu saaxibo aheyn ii
sheegey inuu jiro paltal lagaga dooda arimaha diinta oo laga yaabo inay
iga jaahil bixiyaan waxyaabaha uu samaynayo iyo sida aan ula macaamulil
lahaa. Waxaan is iri malaha waa fikrad wanaagsan inaad Musliminta
waydisid.
Ficlan, waxaan galay qol layirahdo ‘True Message’
Halkii ayaan dadka ku weydiyey su’aalo kusaabsan wixii aan ku arkay
bukaanka; waxaana la’iisheegey inay tahay sida loo tukado salaada.
Marumaysan jawaabtii laga bixiyey ilaa uu qofkale soo galiyey youtubeka ‘islamic prayer’
Yaab iyo amakaak ayuu ilaahey ii keeney,qof ay kadhuntey
xusuusta oo dhan xitaa caruurtiisa ‘magacyadooda’ oo cunitaanka iyo
cabitaanka uu dhib ku yahay ayaa weli sii xasuusta salaada iyo sida loo
tukado! Kaaga daranka, xitaa qur’aankii ayuu sii xasuusta oo kuqoran
luuqad kale oo aanu udhalan.
Waxay igu noqotay waxaan qaadan waayey; waxaana ii cadaatay inuu daacad
kayahay diintiisa, taas oo iga dhalisay inaan barto diintiisa si aan ugu
khidmeeyo sida ugu wanaagsan.
Waxaan caado kadhigtay inaan maalinkasta soo galo Paltalga. Waxaa
la’isiiyey linka- meel aan ka aqrinkaro Qur’aanka turjumadiisa iyo
dhagaysi intaba.
Waxaan aad ugu heley Suuratu Annaxal ‘Shinida’ oo aan maalintii dhowr jeer dhageysan jirey.
Waxaan go’aansaday inaan Qur’aanka wax ka gaarsiiyo odayga- bukaanka.
Qur’aanka ayaan ku soo duubey iPodgayga kadibna ugeeyey si uu
udhagaysto.
Cajiib, Qur’anka marka uu dhagaysto, marna wuu ooya marna
wuu dhoola cadeeya! Anigoo yaaban sida ay wax kayihiin ayaan fiiriyey
tarjumada aayadaha markaas ayaan fahmay sababta. Wuxuu ahaa mid ooya
marka uu maqlo aayadaha cadaabka kasheekeynaya, wuxuuna farxa marka laga
sheekeynayo janada!
Waxaan isku dayey inaan kudhaqmo wixii aan kabartay
paltalga haseyeeshe waxaan is arkay anigoo naftayda iswaydinayo su’aalo
aan weligey jaanis uhelin inaan isweydiyo sida aabahay iyo meesha uu
kudanbeeyey; hooyadey waxay dhimatay anigoo 3 jir ah. Aniga iyo
walaalkey waxaa nasoo koriyey awoowgeen iyo ayeydeen oo iminka sii
mootan 4sano. Waxaa hada ifka kunool aniga iyo walaalkey oo kali ah.
Waxaas oo dhibaato oo isoo gaartey waxaan hadana uhaystaa inaan
faraxsanahay!
Joogitaanka aan la joogey bukaankan ayaan dareemey inay wax iga
maqanyihiin.Waxaan qalad ufahmay waxa uu yahay xasiloonida iyo
daganaanta ‘peace and tranquillity’.
Gabar aan kabartay Paltalk ayaa isiisey magacyada
masaajidyada ku yeela meesha aan daganahay; waxaana booqdey mid kamid
ah. Waxaan daawadey sida salaada loo tukado, indhahaygana waxaa kusoo
istaagi jirey Ilmo! Masjidka ayaa naftayda la jeclaysiiyey.
Imaanka iyo xaaskiisa ayaa aad ii soo dhaweeyeen oo isiiyey
cajalado iyo buugaag aan ka faa’idaysto, ayagoo weliba iiga jawaabi
jirey wixii su’aalo ah oo aan qabo.
Dadkii aan ka bartay Paltalkga,su’aal kasta oo aan weydiyo si sahlan
oo cajiib ah ayey iigu jawaabaan oo ay qasab igu noqotay inaan aqbalo.
Horey wax diin ah oo aan aamisanaa majirin laakinse had iyo jeer waxaan
rumaysnaa inuu jiro Ilaah walow aanan garaneyn sidii aan u caabudilahaa!
Su’aal aan jawaab uwaayey?
Galab galbaha kamid ah ayaan soo galay Paltalk, qolkii ‘the
True religion’. Midkood ayaa microphoneka qabsadey isagoo iweydinaya
inaan wax su’aal ah qabo. “Maya” ayaan ugu jawaabay. Waxaa kale oo uu
iweydiyey inaan kuqanacsahay jawaabihii laga bixiyey su’aalihii aan
dadka waydiyey. Waxaan usheegey inaan ku qancay!
“Maxaay tahay waxa kaa hortaagan inaad islaamka soo gashid?” Ayuu iweydiyey! Waxaan kujawaabo ayaan garanwaayey.
Waxaan dib ugu laabtay odaygii bukaanka ahaa. Indhihiisa ayaan eegey
anigoo quudinaya, waxaan yaqiinsadey in la’ii soo direy oo ay meeshan
arin ka socoto.
Runtii, jawaabta uu ninka iweydiyey waxa iga hortaagan waa
cabsi… ma’ahan cabsi inay wax igu dhacayaan… ee waxaan kabaqaya runta !
Galabtaas ayaan go’aansadey inaan kudhawaaqo shahaadada.
Imaamka masjidka ayaa ii qabtay shahaadada kadib markii uu ii sharaxay
waxa la’iga baahanyahay.
Masharxi karo sida uu dareenkeyga ahaa markii aan ku dhawaaqay
kalmadaas.Waxay ila aheyd sida ayadiyoo qof hurdada iga soo kiciyey oo
indhaha si aan caadi aheyn wax ku eegayo.
Qofkii uhoreeyey ee aan usheegey wuxuu ahaa walaalkey. Ama bukaankii…
markaan usoogalay anigoon afka kala qaadin ayuu isku daray dhoola cadeyn
iyo ilmo; kadibna hortiisa ayaan kula dhacay farxad iyo oohin. ‘wuxuu
igu leeyahay fadli aan lasoo koobi karin, Allahana ka abaalm mariyo’
Qolkii Paltalk ayaan ku soo noqday anigoo ku celcelinaya shahaadada si
ay iila wadaagaan.Waxay aheyd maalin farxad badan oo noolasha
isbadashay!
Inkasta oo aan midkoodna arag,waxaan dareemey inay iiga dhow yihiin
walaalkey.Dhamaantood waxay igu leeyihiin abaal aan lasoo koobi Karin!
Ugu danbayntii walaalkey ayaan telephone udirey anigoo usharxay diinta
aan galay. Inkasta oo aanu ku farxin hadana wuxuu ii balanqaaday inuu
igarab istaagayo.
Gabo gabo iyo geeridii odayga!
Isbuuc kadib markii aan diinta islaamka soo galay waxaa
dhintey odaygii, isagoo jiifa oo aan dul taaganahay ayay nafta
kabaxday(Innaa Lillaah wa innaa Ilayhi Raajicuun)
Wuxuu udhintey si dhibyar oo ay ku jirta raxmad! Anigana waxaan ahaa qofkale ee la joogey goorta uu ifka ka tagay!
Wuxuu ii ahaa sida aabahaygii aan waligay arag, wuxuu ahaa wadadii aan islaamka ka soo galay!
laga soo bilaabo maalintii aan shahaadada ku dhawaaqay ilaa maanta
iyo inta aan noolahay waan uducaynaya inuu Allah ka abaalmariyo
camalkasta oo aan sameeyo.
Dadow, Islaamka waa diintii Ilaahay oo albaabkeeda ufuranyahay cidkasta
oo doonayso. Allah waa Raxmad badan yahay, wuuna naxariistaa.
* Cassie oo ifka ka tagtay sheekadan kadib *
Walaasheen Cassie waxay dhimatay October 2010 kadib markii
ay islaamka ugu yeertey walaalkeed oo uu soo islaamay.(innaa Lillaahi wa
innaa Ilayhi raajicuun)
Waa Walaalkiin Adam Abdi Abuzuhri:abuzuhri1@gmail.com
isha sheekada waxaad kahelikartaa: