Laba dahliyara ayaa shukaasi kadhexeeyey aad ayeyna isugu
ciidanaayeen(isugu fiicnaayeen)sida aad ogtihiinba markay 2 qof aad
isugu wanaagsan yihiin wax yaalo badan ayaa dhexmara sida kaftan badan,
farakacayaar dadka qaarkiis iyo waliba kalsooni dheeraada gabadha iyo
hooyadeed aad ayey isugu ekaayeen cabir ahaana isula ekaayeen
labadoodubana waxey xertaan(indha shareer ama niqaab).
Intaa waxaa dheeraa in wiilku tuhunsanaa in maamada gabadha dhashay
larabin gabadheeda taasna waxbaa kayara jirtay maalintii dambe wakhti
casar gaabkii ah maqrib agagaarihiis ayaa wiilkii ka hor imaaday qof ula
ekaaday saaxiibadii isagoon sugin ama hubsanin ayuu ku bilaabay kaftan
si indho-la'an ah wuxuuna ku yiri naa horta maad igala hadashid hooyadaa imaba arki kartee maxay saas iigu nacsantahay maxaan yeelay
Yaxaas ha qaadee inaan habaaro maahee sikale garan maayee wuxuu intaa
kudaray oo uu yiri mar horaan kuu sheegay inaysan fiicnayn gabar
hooyadeed nooshay siiba adiga oo kale .
xariifkaa wuxuu ku hadlay wax walba oo uurkisa ku jiray waa si kaftan
ahaan ah laakiin qof walba lagu dhihi karin hebal iyo heblaayo oo kale
maahee intaas markuu is raaciyey ayuu dareemay sheekadii oo lagala qayb
qaadanay iyo indho kaliya oo siyaaban u eegaya xariifkii halmar aya biyo
qaboow lagu shubay sheekadiina waa dhananaatay hal mar ayaa jawaab
naxadinle soo yeedhay oo layidhi waaryaa nacas yohow fulayga ah waan
kusiisay gabadha aa darteed yaxaaska iisiinaysee isa soo diyaari caawana
guriga iigu kaalay.
Fikir kaada kadhiibo maxaad samayn lahayd hadaa tahay kan ay arintaas ku dhacday!!.
__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com