Beribaa Niman reer Tuulaad ah waxaa ay aad uga dhargeen Qaad(Khaad)
Awalna dhinaca Diinta kuma aysan fiicnayn balse marqaanku waxaa uu
ilowsiiyay Dhowrkii Qulhuwalle ee ay ku tukan jiraan lama wada ilaawin
ee ninkii Salaadda iimaamka ka ahaa ee ay ku dabo xirteen oo aad u
marqaamay islamarkaasina qaad u fadhiyay in ka badan 8 saacadood ayaa
ugu darnaa oo Qulhuwalle markii bilaabay oo meel dhexe marinayay uu ku
margaday ama uu garan waayay.
Sidii loo Marqaamayay ayaa Salaad Casir lasoo gaaray meeshi waa tuulo
waxaa lagu fadhiyaa Derin(Xasiig) yar oo dhinacyada ka rif rifan, waxaa
go’aan lagu gaaray in Saaladda la tukado balse lama garan in meel kale
ama Masjidka la aado ee waxaa la go’aan saday in Derinta(Xasiigga) yar
ee garaabadu dul daadsan tahay lagu tukado.
Raggu waa afar(4) Oo Jameeco dhan Hase yeeshee Cabdi dheere oo ah ninkii ragga qaadka u qaaday ayaa lagu yiri”Sheekh naga bixi Salaadda adaa maanta waddanka ka shiikhee”
Cabdi Markii hore Faarax oo gadaashiisa taagan buu damcay in uu u
baneeyo Afka hore ee Derinta rif rifan balse waxaa aad loogu adkeeyay in
uu isagu Salaadda ka saaro ama tujiyo.
Amuuriba waatan dambaysee markii uu Salaaddii bilaabay Ragcaddii ugu
horaysay ayaa waxaa ku margaday Qulhuwalle Markii uu marinayay “Lamyalid
Walam Yuulad” Xoogaa buu aamusay oo maskaxdii Marqaansanayd isku Dayay
bal inuu aayyaddii u xigtay Soo xusuusto Faarax oo ku daba Tukanaya
balse aan wax quman ku dhaamin baa islamarkiina yiri”Waryaa Cabdi” Yuuse Haaa markaasuu yiri” war heedhee kanaalka Qulhuwalle oo dhan ka bax” Markaas waxaa uu ula jeedaa War Qulhuwalle oo dhan iska dhaaf oo Suurad kale noo saar…..heheh
Hadaba Akhristoow Maskax aan Marqaansanayn Miyay Qulhuwalle oo ay horay u taqaanay Gaffi Lahayd?
__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com