Dumarka ayaa badana sheega kalmado aanay u arag inay been yihiin, balse
shucuurtoodu ka keento, taasoo badana lagu tilmaamo dumarku inay xagga
jacaylka u khiyaamo badan yihiin, balse waxa beenaha qaar u galaan siday
u badbaadin lahayd xidhiidhkay saygeeda la leedahay amma qofka jecel
iyada ee aanay doonayn inay runta u sheegto si aannu uga tegin.
Beenahay ay sheegaan haweenku waxa ka mid ah lixdaan kalmadood ee soo socda;
1. Kuma Xiiseeyo
Dumarku qofkay jeceshahay ee ay ka cadhaysan tahay waxay aamintan tahay
inay iska adkayso, sidaa darteedna waxay inta badan ku tidhaa kalmado ay
ka muuqdaan inaanay wax dan ah ka lahayn si ay u soo jiidato, waxaanay
badana si dheel dheel ah ugu tidha ninyaw imaad cajibin, waana kalmado
ka mid ah beenaha ragga jecel ay u sheegaan haweenku.
2. Aad baa u qurux badan tahay
Haddii aad dhab ahaantii ninaw qurux badan tahay, dumarku sidaas kuuma
sheegayaan, balse waxay ku tusaysa inay iyadu qurux badan tahay, laakiin
haddii ay kugu tidha kalmadan, waxa arrin aan runi ku jirin oo ay kugu
dheel dheelayso, waxna kuu qarinayso amma ka damacsan tahay waxyaabo
khaas ah.
3. Daacadnimadaadan qaadanaya
Kalmadan waxay haweenku meesha keenaan markay ragga weydiiyaan su?aalo
ay ka mid tahay; sideen kuula eegahay, ma qurux badanahay, miyaan
buuranahay?
Waana dabin ay wax ku ogadaan, haddii aad u jawaabto iyo haddii aad ka
aamustaba waa kalmado beena oo ay wax ku badhaan, runta waa inaanay
daacadnimadaada qaadanayn, saabtoo ah haddii aad in yar oo beena u
sheegto si fudud bay kuu qabanaysa, waanad kashifmaysa.
4. Hinaasiyad ama maseerey ma ahi
Waxa laga yaba dhab ahaantii inay tahay gabadh aad u u maserr ama
hinaaso badan , kana xanaaqda markaad eegto qayrkeed amma aad saaxiibada
in badan waqtiga la qaadato, mararka qaarna hinaasuhu waxaaba la yidha
xidhiidhka wuu adkeeya haddii sida uu yahay loo qaato, halka waqtiyada
qaarna uu cadow ku yahay jacaylka, balse haddii gabadhu kuu sheegato
inaanay hinaasiyad ahayn, waxa ku duugan inay aad u hinaasiyad tahay,
sababtoo ah dumarku ma jecla in la ogaado xadiga hinaasahoodu
gaadhsiisan yahay.
5. Waligay qof kula barbardhigi maayo
Waa kalmadaha ugu badan ee haweenku sayadooda ku mededaaliyaan amma
qofka xidhiidhka jacayl ka dhaxeeyo, sidaa darteed, waxa hubaal ah
haddii xidhiidhkiinu dhammaado inay qof kale nolosha la qaadanayso,
waana arrin dhacda oo xaqiiq ah, balse kalmadan waa miday jacaylka ku
xoojiyaan, runa ka ah markay kula joogaan, balse xagga dambe ka burta.