Qisadani waa qiso dhab ah oo ku dhacday gabar somaliyeed,
waxay u bahantahay taladiina dhabta ah oo ku saleysan xaqiiqda iyo doqaaga
dhabta ah, qisadu waa sidaan:
Gabadhani waxay jirta 19 sano, waxay dhameysay dugsi
sare, waxay kasoo jeeda qoys faqiir ah oo ladaala dhacayay in ay kasoo bixiyaan
waxbarashada ilaa dugsi sare oo xitaa ilaa hada schoolkii uu deyn ku leeyahay,
waxay is barteen wiil 24 jir ah asna kasoo jeeda qoys aad u tabar yar, waxay
baryo hasaawaanba waxaa abuurmay jeceyl labo dhinacle ah.
Waxay isku yesheen kalsooni aan marnaba la burin karin,
waxay kala sixiixdeen in ay xitaa nafta isku huraan oo aan wilgood sina loo
kala geyn karin. 2 sano iyo lixbilood mar ay is yaqaneen wiilkii iyo gabadhii
ayaa gabadhii waxaa cidii kasoo doontay wiil aan asna aad u da' weyneyn oo
shaqeysta xogaa ficanna haysta, wiilkaasi wuxuu balan qaaday in uu bixin doono
qoska biilkiisa gabadhana uu wax barashadii usii dhameystiri doono.
Qoyskii gabadha oo ay aad uga jajabneed ayaa warkaas
farxad galiyay markiiba gabadhii ku wargeliyay arinta ayaka oo sidaan ugu
sheegay ( gabadheeniyeey, waad ogtahay dhibta aan kugu soo korinay, iyo qarash
la'aanta na heysa iyo waliba sida aad waxbarashadadii u sii wadanweysay duruufo
dhaqaalo owgeed, hadana waxaan ogsoonahay in aad xaq u leedahay in aad dooroto
qofka nolosha kula qeybsanaaya, balsa waxaan kaa codsaneynaa si ay nooga
fudaado culeska dhaqeele ee na hesta adna waxbarashadaadi aad u sii dhameystid
naga aqbal in aad guursato wiilkaan kusoo doontay)..
Gabadhaas waxay ku jawaabtay waan kasoo tashan ee 2 bari
ha la isiiyo, gabadhii waxaa lasoo darsay walaac, waayo ma tuuri karto axdigii
ay gashey iyo qofkii nafteedu jeclaatay, hadana waxey gareysatay taladii
waalidka oo ayana xaqiiq ku saleysan oo sina loo dhayalsan karin. somali weyney
maxaad kula talin laheydeen? fadlan soo koob.
__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com