Guurka ka hor gabar walba waxay ku fakartaa sida ay u xulan lahayd qofkii ay nolosha la wadaagi lahayd xitaa iyadoo aan waxba ka ogeyn waxa uu guurku yahay iyo micnihiisa micnaha iyadoo da,yar ayay sheegtaa dooqeeda ninka ay guursan lahayd.
waxaa la yaab leh in dumarka badankood ay u fahmeen guurka si kale oo ayba u qaateen in la isku xukumo oo la isku qeyliyo naxariista iyo is fahankana uu ka dheeryahay waxaa taas kuu cadeyn kara waxaad arkeysaa gabdho badan oo ku dhahaya aniga waxaan guursanayaa nin aan ka awood badanahay mid kalaa kugu leh nin in uusan waalahi hadal i dhihi karin ma isagaa i dhalay iyo erayo kaloo la mid ah .
taas waxay kuu cadeyneysaa sida gabdhaha ay ugu fakaraan in ay guursadaan nin ay is leeyihiin kaama awood badna micnaha ay iyagu ka karti badan yihiin waa sida ay u arkeene balse gabdhahaas miyay fahamsan yihiin micnaha guurka?
waxaan aad ula yaabay aniga qudheyda maalin aan la sheekeystay gabar 15 jir ah oo aad ii cajabisay fakarka ku jira, gabadhaas waxaan weydiiyay ninka ay guursan lahayd sifahiisa waxayna iigu jawaabtay:
“waxaan guursan lahaa nin lacag leh oo aan aniga ka awood badanahay waana in uu yeelaa waxaan aniga amro “
aad baan u yaabay sababta markaan weydiiyayna waxay ii sheegtay in aysan dooneyn mid amra iyada, gabadhaas run ahaantii fakarkaas waxaad moodaa in lagu beeray oo in badan gabdhaha waaweyn ay ka maqashay laakiin bal aan isla eegno guurka waxa uu yahay iyo sababta ay labada qof isku guursadaan marka hore.
Guurka:
Guurka waa sharci uu baneeyay ilaah subxaanahu wa tacaalaa uuna amaanay nabigeenna CSW , micnaha iyo ujeedadana waxay tahay taranka insaanka oo bata iyo quluubta banii aadamka oo ku degta waana marka hore in heshiis uu dhex maraa labada qof ee is guursanaya si ay u wada dhistaan guri ku dhisan daacadnimo iyo wanaag.
xagga xulashada Ragga rasuulka CSW ayaa ku waaniyay in ay guursadaan gabar dhinaca diinta ku wanaagsan si ay uga helaan Ubad Baarri ah , afar sheyba Dumarka in lagu raaco Nabigaa noo sheegay kuwaasoo kala ah: Quruxda, maalka, nasabka iyo diinta laakiin wuxuu suubanaha NNKH hadalkiisa sii daba dhigay: ” gacanta ku dhig midda diinta u saaxiibka ah”
micnahaas qofkii dhuuxa wax weyn buu ka faa,iidayaa sababtoo ah haduu ninku ku soo xusho xaaskiisa Diinta wax walba oo xumaan ah wuu ka nabad galayaa ubadkiisana diinta islaamka ayaa loogu barbaarinayaa yaaba heli kara? laakiin Ragga taas miyay ku baraarugsan yihiin?
xagga xulashada gabdhaha inkastoo ay ku kala fakrad duwan yihiin hadana ma jiraan gabdhihii hore sidii ay u fakari jireen kuwo haatan u fakara, sababtoo ah gabdhihii hore waxay eegi jireen ninka xikmadda iyo kartida uu leeyahay haatanse waxaa badalay nin lacag leh, nin aan ka awood badanahay iyo wax la mid ah oo aad u qaldan.
gabadha waxaa ugu wanaagsna tii raacdaa nin dhinaca diinta ku wanaagsan kaas aayana ah midka ay nolosha la wadaagi karto ayna ak heleyso xuquuq buuxda.
Guurka Ka Dib maxaa labada Lamaane laga Rabaa?
labada qof ee isu hadiyeeyay noloshooda qeybsadayna nafta waxaa looga baahan yahay in ay ka soo baxaan mas,uuliyadda ay qaadeen, ayna ku sifoobaan is xaqdhowr iyo midba kan kale in uu daneeyo.
Hadii aan taas kala qaadno Dumarka waxaa looga baahan yahay marka ay guursato:
- in gurigeeda cusub ay gudoonto kana dhigto guri wanaag iyo kheyr leh
- in ay seygeeda ka dambeyso oo au ku dhaqaaqdo amaradiisa sida nala faray.
- in ay ku dadaasho hagaajinta gurigeeda iyo nadaafadiisa.
- in ay raaliyad u noqoto seygeeda kuna dadaasho ilaalinta iyo xifdinta maalkiisa iyo naftiisa.
- in ay ku daadasho barbaarinta wanaagsan ee ubadkeeda.
- in aysan faafin ceebaha ninkeeda oo aysan dad kaleuga sheekeyn
- in qeyladooda laga maqlin banaanka
- in ay ahaato mid asturan mar walba
- in ay isku qurxiso ninkeeda mar walba
- in ay ahaato mid farxad gelisa mar walbuu eego
- in ay noqoto mid dul qaad badan oo samir leh
- in ay la taliso mar walba oo uu talo weydiisto
- in ay dejiso mar walba oo uu xanaaqsan yahay si atrtiib ahna wax ugu sheegto
- in ay mar walba u sheegto sida xaalkeeda yahay iyo wixii ku soo kordha
- in reerkiisa iyoa sxaabtiisa aad u soo dhoweyso una ixtiraamto
- in ay u muujiso seygeeda kalsoonida ay u qabto oo shakiga ay deyso
- in ay uga mahad celiso markuu u qabto wax wanaagsan
- in carruurta ay u sheegto in aabahood uu u dadaalayo isaga ayna barto sidii ay baarri ugu noqon laahayeen
- in ay ahaato mar walba mid cod gaaban
- in ay ku samirto biilka uu u keeno oo aysan noqon mid iimaan la,aan ah.
Intaas iyo in la eg ayaana ragga isagana lag doonayaaiyo in kaloo badan waana hubaal hadii sidaa lagu dhaqmo in lagu wada noolaanayo nolol naxariis iyo si ixtiraam ku dhisan.
Laakiin nasiib darro maanta Guryo badan waxay ku burburaan aqoon darri ka soo gaartay iyagoo aanan aqoon micnaha ay u guursadeen taasna ay u horseeday ismari waa iyo buuq soo kala dhex galay ayna kala tagaan ugu dambeyn.
Waxaa wax lala yaabo ah rag haweenkooda ka qarinaya arrimahooda gaarka ah, bal yey u sheegayaan ? sidoo kale dumar ragooda ka qarinaya afaarahooda gaarka ah ayaad arkeysaa oo ugu sheekeynaya dumar kale , dadkaasi sow ma oga ragga iyo ahweenka is qaba in ay isu yihiin sida dharka ay sitaan oo kale , dharka aad sidato wax kaaga hooseeyaa malaha wax isaga kiin dhowna malaha ilaah ayaa yiri subxaanahu wa tacaalaa “ waxaad u tihiin Ragow haweenkiinna dhar iyagana sidoo kale.
Micno weyn baa ku jira halkaas kaasoo ah in aysan labada is qaba waxba iska qarsan Karin dadka kalana ay isaga dhow yihiin balse sidaa dad badan maanta uma oga guurkana in caruur lakala helo un bey ku soo koobeen muhiimadiisa.
Guurka ciyaar ciyaar maaha waxaana la gudboon labada is guursaneysa in ay marka horaba ka baaraan degaan waxyaabaha la gudboonaan kara ayna isla meel dhigaan arrimo ku saabsna guurkooda sidaa ayaana looga bixi karaa Guriga oo duma.
source: http://www.waagacusub.net