Xiriiriyaha guud ee hay’adda TIKA ee laga leeyahay wadanka Turkiga C/llahiyad Kookdagi oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Antolia ayaa sheegay inay dhawaan dayactir buuxa ka bilaabayaan wadooyinka waaweyn ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa magaalada caasimada ah ee Muqdisho
C/lahiyad waxaa uu sheegay inay soo gabo gaboobeen kulamo ay la lahaayeen madaxda dawlada Soomaaliya isla markaana ay dhawaan bilaabayaan dib u dayac tirada wadooyinka Muqdisho ku yaala oo bilicdooda dib loo soo celinayo
Habka naqshadeynta wadooyinka ayuu sheegay inay noqon doonaan kuwa caalami ah waxaana uu xusay in kulanka ay la yeesheen madaxda Soomaalida uu ku saabsanaa fahamka habka wadooyinka loo dayactirayo
“Waxaanu bilaabaynaa hadda wixii ka dambeeya dayac tirka wadooyinka Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho” ayuu yiri C/llahiyaad Kookdagi oo ah xiriiriyaha hay’adda TIKA ee wadanka Turkiga haatana ka hawl gasha Soomaaliya
Dawlada Turkiga ayaa horey u balan qaaday inay dib u dhis ku sameyn doonto wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee ay ugu horeeyay xarumaha caafimaadka, iyo wax barashadda waxaana hay’adaha Turkigu ka fuliyaan Soomaaliya hawlo gar gaar.