Aqriso sheeko Qosol badan oo cajiib ah

11:00 PM |
Nin ayaa wuxuu arkay koox dhallinyaro ah oo raashin meel ku wadaagaya (isla cunaya). Intuu ku soo leexday ayuu dhankiisa ka galay. Nimankii kale way is fiir-fiiriyeen iyagoo la yaaban ninkaan aysan aqoon oo cuntada iska soo galay bilaa fasax. Waxay ku yiraahdeen "Saaxiib ma qof baad naga garanaysaa?". "Maya" ayuu yiri "laakiin tan ayaan is naqaan" intuu cuntadii la cunayey farta ku fiiqay!!!
saxan cunto ah

Ardey iskuuleey ah ayaa waxa ay lahaayeen imtixaan ah maaddada "Arts" ama sawirka, markaa ayaa macallikii inta uu sawirey geed ay saaran yihiin shinbiro ayuu ardadii ku yiri hala sawiro dhaqsada ...Macalinku aradada wuxuu siiyey " 5 daqiiqo" markii ay shantii dhamaatey ayuu yiri haye haye inta gacmaha isku garaacey oo sacabiyey .. Wuxuu macallikii bilaabey in uu aruuriyo warqadaha markaa ayuu arkay waraaqdii ardaygii ugu danbeeyay oo aan geedkeeda shinbiro ku sawirnayn. markaas ayuuu yiri warayaa aaweye shinbirihii geedka saarnaa .. ardaygii ayaa macalinka ugu jawaabey “Dee macalin adigaa sacabiyay”.

Ardey


__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com
Read more…

Arooy Biiska Naga Joojiya(Maxow yahay Biiska Aqriso Sheeko).

10:00 PM |
reer miyi
nin reer badiye ah baa maqaayad wax ka cunaayay, wuxuuna dalbaday canbuulo inleen taas buu bar yaqaanaye. Markuu ka dhargay buu wuxuu maqlay dad agtiisa fadhiyay oo baasto cunaayay, dhahayA "BIIS". Markaas baa loo keenay baasto iyo hilib KALE. Isagana "BIIS" buu dhahay. Markaas baa loo keenay canbuulo badan. Baasto buu filaayay, laakiin isagoo ciil haayo buu iskU DIRQIYAY. 

Wuxuu galay ruwaayad socotay. sidii loo fiirsanaayey baa hal mar dadkii oo dhan qayliyeen "BIIS BIIS BIIS" because wax qosol ah bay arkeen. Odaygii intuu naxay oo istaagay buu yiri "INAA LILAAHI, AROOY BIISKA NAGA JOOJIYA, BIISKU WAA CANBUULO KALEE'. Midii hore baa wali wadnaha ka heysay. 

PEACE AND ENJOY IT
__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com
Read more…

Ila Qosol:- Marqaanka Qaadka iyo Diintu isku Daranaa “War Cabdi Kannaalka Qulhuwalle oo dhan ka bax”(Sheeko Gaaban)..

9:48 PM |
Dadka Qaadka Cuna ee Soomaaliyeed iyo Marqaanka Maxaa kala haysta!
Beribaa Niman reer Tuulaad ah waxaa ay aad uga dhargeen Qaad(Khaad) Awalna dhinaca Diinta kuma aysan fiicnayn balse marqaanku waxaa uu ilowsiiyay Dhowrkii Qulhuwalle ee ay ku tukan jiraan lama wada ilaawin ee ninkii Salaadda iimaamka ka ahaa ee ay ku dabo xirteen oo aad u marqaamay islamarkaasina qaad u fadhiyay in ka badan 8 saacadood ayaa ugu darnaa oo Qulhuwalle markii bilaabay oo meel dhexe marinayay uu ku margaday ama uu garan waayay.

Sidii loo Marqaamayay ayaa Salaad Casir lasoo gaaray meeshi waa tuulo waxaa lagu fadhiyaa Derin(Xasiig) yar oo dhinacyada ka rif rifan, waxaa go’aan lagu gaaray in Saaladda la tukado balse lama garan in meel kale ama Masjidka la aado ee waxaa la go’aan saday in Derinta(Xasiigga) yar ee garaabadu dul daadsan tahay lagu tukado.

Raggu waa afar(4) Oo Jameeco dhan Hase yeeshee Cabdi dheere oo ah ninkii ragga qaadka u qaaday ayaa lagu yiri”Sheekh naga bixi Salaadda adaa maanta waddanka ka shiikhee” Cabdi Markii hore Faarax oo gadaashiisa taagan buu damcay in uu u baneeyo Afka hore ee Derinta rif rifan balse waxaa aad loogu adkeeyay in uu isagu Salaadda ka saaro ama tujiyo.

Amuuriba waatan dambaysee markii uu Salaaddii bilaabay Ragcaddii ugu horaysay ayaa waxaa ku margaday Qulhuwalle Markii uu marinayay “Lamyalid Walam Yuulad” Xoogaa buu aamusay oo maskaxdii Marqaansanayd isku Dayay bal inuu aayyaddii u xigtay Soo xusuusto Faarax oo ku daba Tukanaya balse aan wax quman ku dhaamin baa islamarkiina yiri”Waryaa Cabdi” Yuuse Haaa markaasuu yiri” war heedhee kanaalka Qulhuwalle oo dhan ka bax” Markaas waxaa uu ula jeedaa War Qulhuwalle oo dhan iska dhaaf oo Suurad kale noo saar…..heheh

Hadaba Akhristoow Maskax aan Marqaansanayn Miyay Qulhuwalle oo ay horay u taqaanay Gaffi Lahayd?

__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com
Read more…

Waa Kaasaahe Car Qosolka Isku Celi (Ila Qosol)

8:04 PM |
qosol

Laba dahliyara ayaa shukaasi kadhexeeyey aad ayeyna isugu ciidanaayeen(isugu fiicnaayeen)sida aad ogtihiinba markay 2 qof aad isugu wanaagsan yihiin wax yaalo badan ayaa dhexmara sida kaftan badan, farakacayaar dadka qaarkiis iyo waliba kalsooni dheeraada gabadha iyo hooyadeed aad ayey isugu ekaayeen cabir ahaana isula ekaayeen labadoodubana waxey xertaan(indha shareer ama niqaab).

Intaa waxaa dheeraa in wiilku tuhunsanaa in maamada gabadha dhashay larabin gabadheeda taasna waxbaa kayara jirtay maalintii dambe wakhti casar gaabkii ah maqrib agagaarihiis ayaa wiilkii ka hor imaaday qof ula ekaaday saaxiibadii isagoon sugin ama hubsanin ayuu ku bilaabay kaftan si indho-la'an ah wuxuuna ku yiri naa horta maad igala hadashid hooyadaa imaba arki kartee maxay saas iigu nacsantahay maxaan yeelay Yaxaas ha qaadee inaan habaaro maahee sikale garan maayee wuxuu intaa kudaray oo uu yiri mar horaan kuu sheegay inaysan fiicnayn gabar hooyadeed nooshay siiba adiga oo kale .

xariifkaa wuxuu ku hadlay wax walba oo uurkisa ku jiray waa si kaftan ahaan ah laakiin qof walba lagu dhihi karin hebal iyo heblaayo oo kale maahee intaas markuu is raaciyey ayuu dareemay sheekadii oo lagala qayb qaadanay iyo indho kaliya oo siyaaban u eegaya xariifkii halmar aya biyo qaboow lagu shubay sheekadiina waa dhananaatay hal mar ayaa jawaab naxadinle soo yeedhay oo layidhi waaryaa nacas yohow fulayga ah waan kusiisay gabadha aa darteed yaxaaska iisiinaysee isa soo diyaari caawana guriga iigu kaalay.


Fikir kaada kadhiibo maxaad samayn lahayd hadaa tahay kan ay arintaas ku dhacday!!. 




__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com
Read more…

ILA QOSOL XIISO LEH

7:36 PM |
Nin ayaa reer soo martiyay wuxuuna ahaa nin caato ah ,ninkii markuu shaahii loo kariyay uu cabayo ayaa waxaa reerkii yimid nin kale oo isna marti ah,gogoshii uu ku fadhiyay ayaa lagula fadhiisiyay,ninkan dambe waxa uu ahaa nin xoog leh,markii shaahii lacabay oo inyar lajoogay ayaa waxaa loo keenay soor yaraha jilicsan oo caano aan kufilayn lagu daray,weelka loogu soo ridayna wuxuu ahaa fijaan yar oo macdan ah,fijaankii iyo wixii kujiray oo isla wada siraadsan ayaa ninba fandhaalkiisii lagalay.


Ninkii dhuubnaa markii ugu horaysay ee uu darsaday ee uu afka saaray ayuu ku dhici waayay inuu afka galiyo kulayl awgiis,inyar markuu kor uhayay ayuu hadana umohday inuu afka galiyo wuuna kudhici waayay,wuxuu fiiriyay xagii ninka waxa uuna arkay ninkii oo fandhaalkii 5aad afka galiyay markaasuu kuyidhi. 

''War haynaga qabawdee bal ukaadi" ninkiibaa ugu jawaabay "waad edeb daran tahaye fandhaal baad haysataaye kucun" wuu iska aamusay intuba inta ka dhakhsa badane markale ayuu afka la aaday fandhaalkii markaas dambe wuu ku gubtay markaasuu dhakhso afka uga fogeeyay,hadana ninkiibuu fiiriyay saa fandhaalkiisu ma istaagayo mar kale ayuu kuyidhi "war kugu qadnaye soortu ha iga qabawdee bal fandhaalka jooji".

Ninkiina waxa uu ugu jawaabay "way Ay baat tahaye mar dambe hadaad ila hadasho waxa ku gaadha waad arki doontaa" ninkii intuu xanaaqay ayuu intii soorta ahayd ee kululayd ee uu fandhaalka ku hayay ayuu wajiga kaga dhuftay,dagaal ayaa foodda la is daray ninkii dhuubnaa waa laga xoog badnaaye intii kor loo qaaday ayaa lagu lagday macdankii kululaa ee soorta oo lawga loo galiyay.

Markaasuu qaylo afka ku dhuftay,reerkii ayaa soo orday oo mooday in laba nin oo col ah laysu keenay,markii la waydiiyay waxa isu geeyay ninkii xooga badnaa waxa uu reerkii usheegay in wax hore uu udhexeeyay,laakiin ninkii dhuubnaa ayaa yidhi "war wax hore nooma dhexaynin oo ismaba aanaan aqoonine intii yarayd ee aad noo keenteen ayaan isku dagaalay!" Markaas ayaa ninba qoys si hor leh loogu cunto kariyay

Waxaa soo diyaarisay jamiila cali
__________________________________________________________
Study And Sharing For Education
deercali@yahoo.com
Read more…